Wayne Rooney oo xabsiga loo taxaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wayne Rooney oo xabsiga loo taxaabay
January 7, 2019 - Written by Reporter:

Wayne Rooney ayaa la xidhay kadib markii uu sakhraan ku dhex-noqday diyaarad uu saarnaa sidaasi waxaa sheegay afhayeenkiisa.

Kabtankii hore ee qaranka England iyo Manchester United ayaa 16-kii December lagu xidhay gegida diyaaradaha ee Dulles ee ku taalla magaalada Virginia kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Sacuudi Carabiya.

Rooney, oo 33 sano jir ah ayaa afartii Janaayo lagu xukumay 116 pound oo ganaax ah sida ay cadeeynayaan dukumiintiyada maxkamadda.

Wayne Rooney

Afhayeenkiisa ayaa waxa warbxin ku sheegay “xilligii diyaaradda Wayne waxa uu isticmaalay kaniin hurdo oo lagu qasay khamri yar, markii uu eeriboodhka yimidna waa uu qasmay sidaas ayayna booliska ku qabteen.

“Waa la ganaaxay wax yar kadibna waa la soo ii daayay, haatanna xaaladda waa ay iska dhamaatay

Sanadkii 2017-kii waxaa Rooney laga mamnuucay in laba sano uu kaxeeyo gaadhi kadib markii la qabtay isagoo cabsan oo gaadhi wada.

Weeraryahankan ayaa waxaa uu bishii June ee sandkii 2018-kii ku biiray kooxda DC United oo ka dhisan dalka Mareykanka, waxa uuna saxeexay qandaraas Saddex sano iyo badh ah.

COMMENTS
LINKS