Rael Madrid Oo Xalay Guuldaro La Baday Iyo Cida Dusha Laga Saaray Guuldaradaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rael Madrid Oo Xalay Guuldaro La Baday Iyo Cida Dusha Laga Saaray Guuldaradaa.
January 7, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa xalay la kulantay guuldaro ka dib markii ay kooxda Real Sociedad ay kaga badisay 2 iyo 0 ayaa ay ka xanaaqeen taageerayaasha kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaan wax guul ah arag labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey, waxaanay toban dhibcood ka hoosaysaa Barcelona oo hoggaanka haysa, mana muuqato rajo ah inay soo fiicnaanayso, iyadoo bandhig ciyaareedkii xalay uu muujinayo kala daadsanaan iyo dhibaato aan dibedda usoo bixin oo ka dhex jirta kooxda.

Kooxda Real Sociedad ayaa khalad uu galay Casemiro waxa lagu siiyey rikoodhe bilowgii hore ee ciyaarta, gool labaadna waqti dambe ayay ku darsadeen, waxaanay garoonka Bernabeu kala tageen guul ay muddo dheer raadinayeen.

Taageereyaasha Real Madrid ayaa guuldaradan ku eedeeyey hal ciyaartoy oo ay tilmaameen inuu qayb ka ahaatay rikoodhaha lagu qabtay Casemiro, waana xiddiga reer Brazil ee Marcelo oo ay hore ugu aqoonsanaayeen halyeygooda ka caawiya guulaha.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa ku qaylinayey Marcelo mar kasta oo uu kubadda qabsado, iyaga oo ku dhawaaqayey ereyo ka dhan ah xirfaddiisa oo ay ku tilmaamayeen inuu hawlgab noqday.

Laacibkan 30 jirkan reer Brazil oo ciyaartiisu hoos u dhacday, ayaan saamayn badan ku lahayn ciyaaarta, waxaana inkasta oo uu hore u soconayey haddana uu dhibbane u noqday canaanta taageereyaasha.

Hoos u dhaca ku yimid xidiga Marcelo ayaa waxaan shaki ku jirin in ay sabab u tahay dhaawacii soo gaadhay kulankii Rayo Vallecano ee xili ciyaareedkan taas oo ilaa iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca aan garoonada.

DIYAARIYE; SHIINE MATAAN.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS