Maxay Tahay Sababta Ka Danbaysay In Uu Burburo Heshiiskii Mbappe iyo Real Madrid? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Tahay Sababta Ka Danbaysay In Uu Burburo Heshiiskii Mbappe iyo Real Madrid?
January 8, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Laacibkani Ka hor intii aanay PSG ku dhawaaqin heshiiskiisa, waxa warbaahinta ku jirtay in Real Madrid ay noqonayso kooxda uu Kylian Mbappe xidhan doono funaanaddeeda, waxaana dad badan ay sii qiyaaseen, faallooyinna ka bixiyeen lambarka uu xidhan doono.

Mbappe ayaa waxa uu Real Madrid ka dalbaday inay sannadkii siiso mushahar dhan 12 milyan oo Euro oo aanay cashuurtu ku jirin, laakiin inkasta oo ay ku adkayd haddana way ogolaatay.

Sida uu sir faafiyaha Football Looks soo bandhigay, laguna qoray wargeyska Der Spiegel, Real Madrid waxay heshiis la gaadhay Monaco July 20, 2017 iyadoo ogolaatay inay bixiso 180 milyan oo Euro oo lagu darayay 30 milyan oo kale oo ku xidhan bandhiggiisa, taas oo ka dhignayd in ugu dambayn ay Real Madrid siinayso Monaco 2014 milyan oo Euro, hase yeeshee waxa laysku qabtay hal arrin oo ahayd cashuurta iibka laacibkan oo waaxda cashuuraha ee dalka Spain ay ka doonaysay 34 milyan oo Euro, taas oo ay Madrid doonaysay in Monaco ay bixiso laakiin iyaduna ay diiday.

Sirtaasi waxay intaa ku dartay in Real Madrid ay ogolaatay in xattaa lacagta cashuurta dawladda Spain ay u shubto. Intaas oo dhan oo labada kooxood dhex martay, waxa niyad jabiyey Kylian Mbappe oo go’aan ku gaadhay inuu ku biiro PSG.

Sababta uu Mbappe u doortay PSG ayaa la sheegay inay ahayd Florentino Perez oo doonayey in Gareth Bale uu sii joogo Real Madrid,  taas oo uu walaac ka muujiyey aabbaha dhalay Mbappe oo aaminsanaa in laacibka reer Wales uu tartan adag la geli doono wiilkiisa.

Xogtan waxay tibaaxay in Mbappe aabbihii uu isku qanciyey in aanu wiilkiisu boos ka helaynin Cristiano Ronaldo, Karim Benzema iyo Gareth Bale.

Warku wuxuu intaa ku daray in haddii Madrid ay xilligaas aqbali lahayd dalabyo uga imanayey Manchester United  ay sheekadu sidan ka duwanaan lahayd, isla markaana uu Mbappe ahaan lahaa ciyaartoy Real Madrid ah.

Diyaariye:- Shiine Mataan.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS