Telefishanka Qaranka, Qaybtiisa Hargeysa Laga Daawado oo Xalay Hawada Ka Baxday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Telefishanka Qaranka, Qaybtiisa Hargeysa Laga Daawado oo Xalay Hawada Ka Baxday
January 9, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Tilifishanka qaranka Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa laga daawado  ayaa xalay hawada ka baxay.

Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin wararka ayaa sheegaya inay ciladi ku timid  taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin.

Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada.

Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale u fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay.

Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan.

COMMENTS
LINKS