Maxaad Ka Ogtahay Goobaha Taariikhiga Ah Ee Loo Dalxiis Tago Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Ogtahay Goobaha Taariikhiga Ah Ee Loo Dalxiis Tago Somaliland?
January 9, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Labaatankii sano ee ugu dambeeyay goobo badan oo taariikhi ah ayaa laga helay Somaliland. Waxaa haatan jira in ka badan boqol goobood oo ay ugu caasan tahay Laas Geel oo laga helay dhagxaan ay sawirro ku xardhan yihiin oo 9000 jirsaday. Si kastaba, dhagaxaantan ma aysan aqoonsan mana ilaaliyaan ururrada daryeela goobah taariikhiga ah sida UNESCO.

Dr Saada Mire oo ah khabiir dhanka deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegtay in Somaliland ay ku yaallaan goobo badan oo muhiim ah, kuwaas oo ay tahay in laga warqabo oo la ilaaliyo.

Laasgeel oo 40 meyl dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa laga helay dhagaxaan ay sawirro ku xardhna yihiin,kuwaas oo noqday astaan ay Somaliland caan ku tahay.

Dhagaxaantan sawirrada lagu xardhay oo qarniyo jirsaday ayaa soo jiitay indhaha caalamka, kaddib markii ay soo saareen khubarro Faransiis ah muddo labaatan sano kahor ah.

Laasgeel

Suldaan Cumar Tareedh wuxuu ka mid yahya dadka halkaasi ku dhashay ee ku soo barbaaray, wuxuu BBC-da u sheegay in Laasgeel ay ahayd meel barwaaqo ah oo uu geela ku raaci jiray.

“Markii hore waan arki jirnay sawirrada ku xardhan, laakiin cidna tixgelin ma siin jirin oo lama garaneyn micnahooda.” Ayuu yidhi.

Magaca Laasgeel ayaa muujinaya biyaha dabiiciga ah ee harada ka soo burqanaya . Dad badan oo Somaliland ku nool ayaa haatan Laasgeel u arka meel muhiim ah oo astaan u ah dhaqankooda.

Somaliland waa meel ay hore uga dhaceen dagaallo. Fursadahan waxay sare u qaadi karaan horumarka, dalxiiska iyo dib u dhiska, balse goobo badan oo Somaliland ku yaalla oo dalxiiska ku wacan lama ilaaliyo, waxayna halis u yihiin inay baaba`aan.

Wasiirka dalxiiska Somaliland Maxamuud Sacad Saajin ayaa BBC-da u sheegay in ay soo ururiyeen 160 goobood oo dalxiiska ku wacan, isagoo sheegay inay qorsheynayaan in goobahaas la ilaaliyo. Wuxuuse xusay in Laasgeel ay tahay halka ugu muhiimsan ee ay dadku jecel yihiin inay u soo dalxiisaan.

Somaliland waxaa ku yaalla meelo badan oo taariikhi ah sida Aw-barkhadle, Saylac iyo Sanaag, dhammaantoodna waa astaan muhiim ah, waxaase laga yaabaa in goobahaas ay baaba`aan haddii aysan aqoonsan hay`adda Qramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka, ee UNESCO.

COMMENTS
LINKS