Koomiishan Diid, Waa Doorasho Diid. W/Q: Mohamed Gacayte | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koomiishan Diid, Waa Doorasho Diid. W/Q: Mohamed Gacayte
January 9, 2019 - Written by Reporter:
“Ninka Xadhig Suryeeyoow Waxa Socota Taariikh” Maansadii Saxansaxo, IHN Abw. Gaariye.
Jamhuuriyada Somaliland waxa u dan ah in Doorashadu qabsoonto sanadkan 2019. Komishankuna ay shaqo inoo qabtaan inta ay mudadooda gaadhayso, Doorashada haba qabto Komishan cusubiye.
Hadii lagu heshiiyo in doorashada la qabto Dec.2019 saw Komishan cusubi iman maayo, Xisbiga Wadani taas maka fekaray ilayn waatan Komishan cusub uun kaga dhagtee intuu ku jiqsiida iska dhaafo haduu wax isla hayo oo doorasho diyaar u yahay dood caafimaad qabta ha keeno oo hibashada doorashadii Madaxtooyada ha iska dhaafo lagu kala calaf qaadye.
Guddida Komishanka Doorashada ee maanta joogaa inuu shaqo inoo qabto yaa diidan? Yaa diidan in diiwaangalinta dib loo furo? Yaa diidan in kaadhadhkii codaynta ee soo noqday la qaybiyo? Mise xaalka Wadani waa hal diidaysaa geed ay ku xoqoto may waydo oo arinkiisu waa geed sare waab.
Golaha Guurtida ayaa xaq u leh Mudo kordhinta, balse heshiiska asxaabta qaranka tixgalin ayuu leeyahay in soo jeedintooda ay ku saleeyaan mudada la kordhinayo. Hadaba Kulankii Axsaabta Qaranka, Ucid iyo Wadani waxay soo jeediyeen laba qodob in midkood la qaato, 1. In laba xubnood lagu daro xubnaha komishanka 2. In lakala diro Komishanka. Sidaas darteed Xisbiga Kulmiye soo jeedinta mucaaridka mid ka mid ah wuu aqblay in Komishanka 2 xubnood loogu daro. Balse Wadani ganafka ayuu ku dhuftay, talaabadan ayaa ah mid dabar ku ah qabsoomida doorashada, Golaha Wakiilada iyo Deegaankana u saamaxaysa inay sii fadhiyaan kuraasta mudo dheer oo kale.
Axsaabta Qaranka danbaa ka dhaxaysa, Somaliland dabteedu waa doorasho ee wax kasta oo danta qaranku ku jirto haloo midoobo oo halaysla meel dhigo oo ijiid aan ku jiido waa gacmo daalise halaga daayo. Abwaankii waynaa ee IHN. Gaariye,  Maansadiisii Gurmad waxa ku jiray tuduc si farxshanimo leh u hogatusaalaynaya  raga siyaasada ku hirdamaya afkaartooda innay ka wayntahay Danta Qaranku
“Raguu ka dhaxeeyo geel
Haduu kala geeyo damac
Waxa isugayse #Danne
Allow garansii nin Moog”
Axsaabteena waxaan ka rajaynayaaa inay muwaafaqo yeeshaan oo danta Xisbiga ay ka horaysiiyaan danta Qaranka. Balse go,aanka Xisbiga Wadani kama turjamayo danta qaranka, doorashana hadalkeeda daa, kolkaa wxn leeyahay dalka u tudha oo waxa la yidhi “Ruqqe Ninkii Lahaa Dabada Hayo Makacdee” Doorashada ha dabrina ee danta Qaranka ka raaca.
Somaliland Danteedu Waa Doorasho .
Wabilahi tawfiiq
W/Q: Mohamed Aadan Gacayte
Gacayte09@gmail.com
Hargeysa/ Somaliland

COMMENTS
LINKS