Ogaysiis:Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jsl.Oo Bulshada ku Wargalisay Bilowga Barmaamijka Sahaminta Nafaqada Caruurta Iyo Hooyada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ogaysiis:Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jsl.Oo Bulshada ku Wargalisay Bilowga Barmaamijka Sahaminta Nafaqada Caruurta Iyo Hooyada!
January 9, 2019 - Written by Editor:

Ogaysiiska Sahaminta Nafaqada Caruurta Iyo Hooyada!!

Hargeysa(W,N):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ku wargelinaysaa Bulshada oo ay ogeysiinaysaa inay Adeegayaasha Caafimaadka ka gacan-siiyaan xog-ururin ama sahamin la xidhiidha heerka Sahaminta Nafaqada Carruurta Iyo Hooyada  Somaliland oo dalka oo dhan ka bilaabmi doonta  Ama ka Socota.

Waxa looga baahanyahay Waalidiintu inay xogta ay rabaan ama su’aalaha ay weydiiyaan hawl-wadeennada caafimaadka ee sahamintan wada ka gacan-siiyaan helitaanka xogta ay rabaan iyo baadhis kooban oo ay carruurta ku samayn doonaan ama kaga qaadi doonaan dhiig ay ka hubinayaan heerka nafaqada ubadka.

HALKAN KA DAAWO  Ogeysiiska Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Dhammaystiran:

 

COMMENTS
LINKS