“Cabdillahi Geeljire Inta Aanu Isagu Xil Haynin Saluugiisu Wuu Jirayaa, Laakiin Sidii Xisbiga Kulmiye Looga Eryay….”Cali Gurey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Cabdillahi Geeljire Inta Aanu Isagu Xil Haynin Saluugiisu Wuu Jirayaa, Laakiin Sidii Xisbiga Kulmiye Looga Eryay….”Cali Gurey
January 9, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Gurey” oo ka mida siyaasiyiinta Xisbi xaakimka Kulmiye, ayaa ka hadlay sida uu u arko hadal kasoo yeedhay siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo isagu naqdiyay kulankii Madaxweynaha iyo Madax-dhaqameedka beesha Garxajis.

Waxa uu tilmaamay Siyaasi Cali Gurey in saluuga Cabdilaahi Geeljire jirayo ilaa inta aanu xil loo dhiibin, isagoona talooyin u soo jeediyay.

Dhinaca kale Cali Gurey waxa uu sheegay in uu ka xun yahay sidii Xisbga Kulmiye looga eryay Cabdilaahi Geeljire islamarkaana uu kasoo horjeedo.

Siyaasi Cali Gurey oo qoraal kooban oo uu kaga hadlayo arinta Cabdilaahi Geeljire ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga kaasi ayaa u dhignaa Sidan, “KKKKK intaba haduu subaxa dareeriyo wax macno ah uma samaynayso reerka uu Geeljire sheegayo waayo shakhsiyaad xilal haya oo markuu doono uu ka qaadi karo Madaxwaynuhu ayuun bay u arkaan. Reer waydiistay Madaxwaynaha oo yidhi xilkaa ama xilalkaa anagaa reerkaaga ah eh na sii in aanu jirin-na Cabdillahi si fiican ayuu uga warqabaa xataa kuwooda wasiirada ah haduu ku daro ayaanay dan iyo muraad ka lahayn.

Soomaalidu waxay tidhaa hal diidani geed ay ku xoqato ma waydo eh Cabdillahi inta aanu isagu xil haynin saluugiisu wuu jirayaa ayay ila tahay laakiin runtii sidii xisbiga Kulmiye looga eryay waan ka xumahay saxna umaan arkayn Sidaa daraadeed saaxiibkay waan ka tacsiyadaynayaa oo waxan leeyahay nabar gardaro Allah ha kaaga dhigo anigoo weliba xusuusinaya Cali Gureyba in isagoo Gudoomiye xigeen sifo sharciga UCID waafaqsan ku yimi ah in Ina Cali Waraabe sadex wiil oo yaryar intuu fadhiisiyay la yidhii sidii Cabdillahi Geeljire iyo rag kaleba ku dhacday, hadana aanay jirin cid uu ugu ciil qabo ama ugu cadhaysan yahay. Waayo sawirka runta ah ee xisbiyada maanta ka jira Somaliland ayaa sidaas ah oo run ah runtana la isma diidsiin karo oo waakii Gaariye AHN eh yidhi;

NIN MURAAYAD DAAWADAY

FOOLXUMO IS-DIIDSIIN

KUMA DOORIN KARAYEE

MA INUU DILAACA?

Markaa saaxiibkay waxan odhan lahaa xanuunka ina hayaa ka wayn dhawrka aad sheegtay ee xilalka haya eh Allah ha inoo sahlo. Cabdillahi xaalkiisa iyo xalkiisuna waa cudurka fardaheena haya ha laga gubo dameero way bogsane. Aniguna sidaa lama qabo”.

 

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS