Ra’iisal wasaaraha Australia oo kabihiisa ay shaki weyn dhaliyeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal wasaaraha Australia oo kabihiisa ay shaki weyn dhaliyeen
January 9, 2019 - Written by Reporter:

Ra’iisal wasaaraha dalka Australia Scott Morrison ayaa ku qoslay sawir been abuur ah oo laga sameeyay, kaddib markii la farsameeyay sawir kujiray boggiisa internetka.

Sawirka Morrison iyo qoyskiisa ayaa muujinaya raysal wasaaraha oo xidhan kabo shaki dhaliyay.

Farshaxan qurxin looga dan lahaa ayaa u muuqda mid dhicisoobay, waxaana qofkii sameynayay uu illoobay inuu kabaha si sax ah uga kala dhigo lugta midig iyo liugta bidix.

Sawir lagu faafiyay baraha xidhiidhka bulshada ayaa muujinaya in Ra’iisal wasaaruhu uu xidhan yahay labo kabood oo isku hal lug ah.

Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa isla markiiba aqoonsaday in kabuhu ay yihiin kuwo been abuur ah, taas oo hadal heyn dhalisay.

Morrison oo jawaab dabacsan siiyay dadka ka been abuurtay ayaa ku eedeeyay in sawirka ay ka dambeeyaan shaqaale xafiiskiisa ka tirsan.

.

“Jawaab ku socota waaxdeyda (PM&C): Ma codsan in kabaha la ii baalasheeyo, haddiise ay tahay inaad ka been abuurataan, fadlan diiradda saara timaha, haku mashquulina cagaha!” ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray.

Sawirka rasmiga ah – oo muujinaya isaga oo xidhan kabo duug ah – ayaa hore loogu arkay muuqaal uu ku jiro raysal wasaaraha.

Si ay arrinta uga sii dhigaan mid lagu qoslo, ayay dadku tilmaameen in ra’iisal wasaaruhu uu u muuqday mid xidhan labo kab oo lugta bidix loogu talo galay.

Qaar ka mid ah dadka internet-ka isticmaaka ayaa bilaabay inay farsameeyaan sawirradooda, iyagoo kabo been abuur ah ku daraya sawirrada Morrison iyo asxaabta ay dowladda ka wada shaqeeyaan.

Qof kale ayaa ku kaftamay albaabbada wareegsanaya ee raysal wasaarayaasha Australia.

Morrison ayaa bixiyay jawaab isagoo Twitter-kiisa soo dhigay sawirka rasmiga ah ee kabihiisa, isagoo sheegay inuusan war u heyn sawirka la farsameeyay.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo wasiirrada ayaa ku eedeeyay sawirka been abuurka ah inuu ka dambeeyay nin qaabilsan farshaxanka sawirrada.

Sawirkan shakiga dhaliyay ayaa lagu daabacay barta internetka ee ra’iisal wasaaraha.

Balse sawirka rasmiga ayaa sidoo kale hadda lagu arki karaa bogga internet-ka ee Mr Morrison.

Ma aha markii ugu horreysay ee baraha bulshada lagu xagxagto ra’iisal wasaare Morrison.

Bartiisa gaarka ah ayaa sanadkii hore lala wareegay, waxayna arrintaas sababtay hadal heyn aad u ballaadhan.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS