WAJAALE NEWS

Masar oo martigelin doono Koobka Qaramada Africa

Dalka Masar ayaa martigelin doono ciyaaraha Koobka Qaramada Africa ee sannadkan , kaddib marki ay Salaasadii shalay Guddiga Fulinta xidhiidhka kubadda cagta Africa ay sidaasi go’aamiyeen.

Masar ayaa soo dhaweyn doonta 24-ka xul ee ku tartami doona koobka oo la ciyaari doono inta u dhaxeysa bilaha June-July.Martigelinta koobka Qaramada Africa ee Masar ayaa ka danbeysay kadib marki laga soo wareejiyay Cameroon oo ku guuldareystay in ay diyaar u noqoto sababo la xidhiidha diyaar-garoowgeeda oo aad u liitay.
Dalkaan dhaca Waqooyiga Africa ee Masar ayay noqon doontaa markii afraad uu tartankan marti geliyo, marki ugu danbeysay waxay aheyd sannadki 2006-dii.

Tartanka Qaramada Africa ee sannadkaan ayaa marki ugu horreysay waxaa ka qeybgali doona 24 koox.

Exit mobile version