Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Warramay Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Ka Warramay Kulamo Uu La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK
January 9, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa ka warramay kulamo uu la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK iyo  qaar ka mid ah Hay’adaha Saxaafadda.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa maanta ka hadlay masuuliyiintii uu la shiray iyo ujeeddada socdaaalkiisa London, “Socdaalkaygani wuxuu ku lug lahaa sidii aan ula kulmi lahaa madax ka tirsan dawladda Ingiriiska oo innaga kaalisa dhanka tababarrada Warbaahinta, haddii ay tahay ta dawladda iyo ta gaarka loo leeyahayba. Sidaasi awgeed, wadahadalladaasi si fiican ayey noogu dhammaadeen. Waxaanan isku afgaranay in wixii awoodooda ah aanay waxba innaga hagran doonin,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo wuxuu sheegay inuu la kulmay u qaybsanaha dawladda UK u qaabilsan Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxa xusid mudan inaan la kulmay u-qaybsanaha  Wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska u qaabilsan dalka Somaliland oo fadhigiisu noqon doono magaalada Addis-ababa, kaasi oo dhawaan la wareegi doona xilka. Wax badan baan uga waranay  xaaladda  dadka iyo dalka Somaliland iyo baahiyaha ay qabaan, waxaanu u-qaybsanaha isaga si gaar ah iskaga waraysanay tababarradii dhinaca Warbaahinta ee ay wadaan ee Saxaafadda madaxa-bannaan iyo ta dawladda. Taasi oo aanu ku sallaynayno balanqaadkii iyo heshiiskii ka soo baxay shirweynihii Saxaafadda ee qabsoomay 29-illaa 30kii bishii December 2018-kii.”

Wasiirka Warfaafintu wuxuu  tilmaamay inuu la kulmay Xafiiska Wakaallada Wararka ee Reuters ee London oo ah ka xarunta  ugu weyn ee ay ku leeyihiin qaaradda Yurub, oo ay ka wadahadleen inay xidhiidh yeeshaan Wasaaradda Warfaafinta iyo iyo Wakaalladoodu oo ay tababarro siiyaan Warbaahinta Somaliland.

COMMENTS
LINKS