DAAWO; Madaxwaynaha Cusub Ee Maamul Goboleedka Puthland Oo Durba Eedo Culus Ujeediyay Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxwaynaha Cusub Ee Maamul Goboleedka Puthland Oo Durba Eedo Culus Ujeediyay Somaliland.
January 9, 2019 - Written by Reporter:

“Anaga Iyo Somaliland Muran Dhuleed Nagama Dhexeeyo Ee Waxay Kusoo Xadgudubtay Dhulka Puthland”Madaxwayne Dani.

Garoowe (WJN)-  Madaxweynaha Puntland ee shalay loo doortay xilkaas oo aanu weli la wareegin, ayaa durba weerar dhinaca afka ah ku soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid mashruuc qaldan aammisan, isla markaana haysata oo ku doodaysa dhul ay Puntland leedahay, sida uu ku dooday.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdillaahi Dani oo waraysigiisii u horreeyey siiyey, ayuu ku sheegay inuu ka shaqayn doono horumarinta danaha Dadka reer Puntland, isla markaana xidhiidh fiican la yeelan doono Maamulkiisu dawladda federaalka Soomaaliya oo khilaaf beryahan dambe u dhexeeyey maamul-goboleedyada ay Puntland ugu wayntay.

Waxa uu ku dooday Madaxweyne Dani in Somaliland ku xad-gudubtay dhulka gobollada Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, isla markaana ay rejaynayaan inay nabadgelyo kaga tagto Somaliland, hase ahaatee aanay aqbalayn in Somaliland ku dooddo xadkii ay wadaagi jireen Gumaystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriisku ka hor 1960-kii.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka waraysiga

https://youtu.be/KV4ipD1pM78

COMMENTS
LINKS