Dad Ku Dhintay Dibadbaxyada Ka Socda Suudaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Ku Dhintay Dibadbaxyada Ka Socda Suudaan
January 10, 2019 - Written by Reporter:

Khartuum (WJN)- Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo oo shalay ka dhacay magaalada Omdurman oo u dhaw magaalada caasimadda ee Khartuum.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku codsanayaan inay helaaan ‘caddaalad iyo xoriyad’. Booliska ayaa suntan dadka ka ilimeeysiisa ku kala eryay dadka bannaanbaxayay.

Dhakhaatirta ku sugan Suudaan waxay sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay qabaan dhawaacyo rasaas isla markaasna hadda ay daweynayaan.

Waxaa jiraa warar kale oo sheegayo in toogasho ay ka dhacday isbitaalka ugu weyn ee aaggaasi.

Khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada ayaa imaanaya xilli madaxweyne Cumar Al Bashiir uu ka qeyb galay shalay isu soo bax siyaasadeed oo lagu tageerayo dowladdiisa, wuxuu sheegay in uusan xilka ka dageynin.

Dalka Suudaan waxaa hareeyay dibadbaxyo looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday.

Waa dhibaatadii ugu weyneyd uu wajahaya Al Bashiir tan iyo markii xukunka uu kula wareegay awood militari 30 sanno ka hor.

COMMENTS
LINKS