Libaax-badeed qabsaday magaalo dhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Libaax-badeed qabsaday magaalo dhan
January 10, 2019 - Written by Reporter:

Tiro Libaax badeed ah ayaa ku firxaday magaalo ku taalla dalka Canada, wuxuu xidhay waddooyinka magaalada, Waxaa lagu arkay afaafka hore ee goobaha ganacsiga iyo guryaha.

Qaar kamid ah Libaax badeedka ayaa dhintay markii uu jiidhay baabuur, waxaa jiraa walaaca ah in dhimashada Libaax badeedka ay sare u kacdo.

Dadka waxay sheegayaan in meesha aad cagta dhigto aad ku arkeyso Libaax-Badeedka .

Magaalada Roddickton-Bide Arm waxaa ku dhintay labo kamid ah Libaax-badeedka.

Libaax-Badeedka ayaa kasoo cararay qabowga darran ee ka jira badda tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay.

Khuburada waxay sheegayaan in barafka iyo qabowga ka jiro badda ay ku khasabtay Libaax-badeedka in uu usoo micin bido barriga si uu halkaasi ugu badbaado.

Sawirro lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya Libaax-badeedka oo dhooban waddooyinka iyo baraf daadsaan halkaasi oo uu ku xayirmay.

“Waxaan dareemeynaa in daraasiin Libaax-badeedkan ay nagu soo qaxeen” sidaas waxaa yidhi duqa magaalada Roddickton-Bide Arm, Sheila Fitzgerald xilli uu la hadlayay warbaahinta CBC.

Wuxuu intaasi ku daray ‘In waddooyinka, guryaha, goobaha baabuurta la dhigto, iyo goobaha ganacsiga lagu arkayo Libaax-badeedka’

Waxaa isa soo taraya walaaca ah in tiro badan oo kamid ah xayawaanka ay dhintaan, waxaana laga codsaday saraakiisha duur joogta inay dib ugu celiyaan badda.

In ka badan 40 Libaax-badeed ayaa ku daaday magaalo ku taalla dalka Canada

Libaax Badeedka oo kasoo qaxaya qabowga ka jira ayaa kusoo qulqulay dhul ka baxsan xeebaha si uu helo hawo kulul.

Dowladda hoose waxay sheegtay in dowladda dhexe ay kala kaashaneyso sidii loo badbaadin lahaa Libaax-badeedka.

Booliska Canada ayaa sheegay in qaar kamid ah Libaax Badeedka ay dib ugu celiyeen badda, waxaa ay ugu baaqeen shacabka in aysan ku dhawaanin Libaax badeedka, maadama uu waxyeello uu gaysan karo.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS