Agaasimihii Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Goordhawayd Lagu Dhaawacay Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Agaasimihii Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo Goordhawayd Lagu Dhaawacay Hargeysa
January 10, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa  (WJN)- Askari ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ayaa goor sii horaysay dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye, sida dad goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Shabakada Wajaalenews.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan oo ahaa kabtan ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin  dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi.

Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo muran dhexmaray uu sababay in uu askarigu rasaas ku furo.

Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS