PSG oo ka hadhay tartanka French Cup | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
PSG oo ka hadhay tartanka French Cup
January 10, 2019 - Written by Reporter:

Kooxda Paris St Germain ayaa xalay si lama filaan ah uga hadhay tartanka French League Cup, kadib marki ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Guingamp.

Guingamp waxay PSG ku garaacday laba rigoodhe oo loo dhigay qeybihi danbe ee ciyaarta, waxana hadda ay xaqiijisay in ay u gudubtay wareega semi-finalka Koobka French Cup.

Guuldarradan ayaa ah tii ugu horreysay oo PSG kasoo gaadha tartannada maxalliga ah ee Faransiiska, kaddib marki ay isku xidhiidhisay 44 jeer oo isku xiga oo aanan marnaba laga badin.

Paris St Germain

Inkasta oo ay ka hadheen tartankaan, waxay dhibco badan ku hogaamineysaa PSG horyaalka Leage One-ka oo ay Sabtida kulan ka mid ah la ciyaari doonto kooda Amiens.

Ciyaarihi kale ee Arbacadi dhacay ee koobka French Cup. Kooxda Monaco ayaa u gudubtay wareega smei-finalka kaddib marki ay rigoodhayaal 8-7 uga badisay kooxda Renne.

Sidoo kale waxaa wareega semi-finalka u gudbay Girondins de Bordeaux, oo 1-0 k dubatay Le Havre 1-0 iyo Strasbourg oo 2-1 ku martay Olympique Lyonnais.

COMMENTS
LINKS