Malaayiin Dollar Ayay Rugta Ganacsigu Ku Weyday Doorasho La’Aan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Malaayiin Dollar Ayay Rugta Ganacsigu Ku Weyday Doorasho La’Aan!
January 10, 2019 - Written by Editor:

Qaar Badan Oo ka Mid ah Dawladaha Adduunka Ayaa Danaynaya inay la Shaqeeyaan Rugta Ganacsiga Somaliland, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dawladda Turkiga, Ingiriiska, Maraykanka iyo Switzerland, iyo waliba qaar ka mid ah dawladaha Carabta ee xidhiidhka ganacsi la leh Somaliland iyo kuwo Afrikaba ah, kuwaasi oo doonaya inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii ay qayb uga noqon lahayd suuqyada caalamka.

Sida ay sheegeen wefti Turki ah oo dhawaan dalka Yimid, waxa ay dawladdaasi doonaysaa inay la shaqayso rugta ganacsiga Somaliland, isla markaana ay xarumo uga samayso dalka Somaliland shirkadaha ganacsiga ee dalkeeda, si loogu iib geeyo qaaradda Afrika inteeda kale.

Hase yeeshee waxay beesha ganacsatada Turkiga iyo dawladdooduba si dhaw ula socdeen sanadahani dambe sida ay u shaqayso rugta ganacsiga Somaliland iyo sida ay ugu dhaqanto shuruucda u taala. Warbixin ay rugta ganacsiga Somaliland siisay wefti Turki ah oo iskugu jirey ganacsato iyo diblomaasiyiin oo sannadihii ina dhaafay dalka Yimid, ayaa lagu sheegay in rugta ganacsiga Somaliland oo lagu aasaasay xeerka maamulka guud ee lambar 35 ay rugtu tahay mid madax banaan oo si xor ah loo doorto maamulkeeda oo uu ugu sareeyo shirweynaha guud ee lagu soo doorto hoggaanka iyo qaybaha kale ee ay ka koobantahay, balse waxa beenawday warbixintaasi ka dib markii ay rugta ganacsigu noqotey meel guddidii lagu aasaasay dabadeed aan dib loo dooran. Taasina waxa ay muran gelisay in wadamadii la shaqayn jirey rugta ganacsigu ay joojiyaan caawimadii ay siin jireen, halka kuwii kale ee damacsanaa inay hawlo ganacsi ka furtaan Somaliland-na ay walaac ka muujiyeen sida loo aamini karo rug ku guuldaraysatay inay qabsato shirweynihiiba.

Haddaba rugta ganacsiga Somaliland oo uu gudoomiyihii hore iska casilay dhamaadkii sannadkii tegay, gudoomiye ku xigeenkiisiina xilka ku wareejiyey, waxa ay samayn lahayd horumar balaadhan haddii ay qaban lahayd shirweynaha, isla markaana guddida maamulka iyo golaha rugtaba la soo dooran lahaa, balse waxay u muuqataa in aanay hoggaanka hadda fadhiyaa diyaar u ahayn inay qabtaan shirweyne, sababta oo ah waxa ay ka cabsi qabaan in aan mar dambe la soo dooran. Taasina waxay ku noqotey laf dhuun gashay horumarka ganacsiga Somaliland iyo weliba inay ku weydo Somaliland malaayiin dollar oo ay deeq ahaan dunida uga heli lahayd waxna ka tari lahayd dhibaatada shaqo la’aanta ah ee dalka ka taagan.

 

QALINKII; MAXAMED AMIIN

 

COMMENTS
LINKS