Diyaarad Drones Ah oo Qarxisay Saldhig Ay Leeyihiin Militariga Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Drones Ah oo Qarxisay Saldhig Ay Leeyihiin Militariga Yemen
January 11, 2019 - Written by Reporter:

Sanca (WJN)- Diyaarad aanan duliyaha wadin ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Yemen, waxaana la rumeysan yahay in diyaaradda ay soo direen maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta.

Waxaa lagu soo warramaya in lix askari ay ku dhinteen duqeynta Drones-ka.

Diyaaradda ayaa ku qaraxday saldhigga Al Anad oo ku yaalla gobolka koonfurta dhaca ee Lahj, halkaas oo ay taliyeyaasha ciidamada ay daawanayeen gaado ka ciyaar ay soo bandhigayeen ciidamada.

Saraakiisha caafimaadka waxay kusoo warramayaan in ku-xigeenka militariga Jeneraal Saalix Al Zindaan iyo badhasaabka gobolka Lahj, Axmed Al Turki ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarka.

Telefishinka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta wuxuu ku warramay inay bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan isbaheysiga dagaalka kula jira iyaga oo uu Sucuudiga hoggaamiyo.

COMMENTS
LINKS