Rajo Intee Leeg Ayay Bulshada Somaliland Ka Qabaan In Xukuumadaha Kulmiye Qabtaan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida: Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Rajo Intee Leeg Ayay Bulshada Somaliland Ka Qabaan In Xukuumadaha Kulmiye Qabtaan Doorashada Golaha Wakiilada iyo Guurtida: Faalo
January 11, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in mudo kordhintu iyo Guushii Xisbiga Kulmiye wada socdeen iyadoo diiwaanka taariikhda ku xusan tahay in Madaxwayne Siilaanyo markuu 37 maalmood xilka hayay maalin ku beegan 5/9/2010 Golaha Guurtidu ka codsaday in mudo kordhin u samayso Golaha Wakiilada halka Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya soo jeedinta Madaxwayne Siiraanyo u kordhiyeen Golaha Wakiilada mudo Laba Sanno iyo Sideed Bilooda halka Golaha Guurtidu isku kordhiyay Sadax Sanno iyo Sideed billood halka,Golayaasha Deegaanka u kordhiyay mudo Sannad iyo Lix Bilooda.

Mar Labaad maalin ku beegan 10/4/2013 waxay Golaha Guurtidu mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen Golaha Wakiilada iyagoo is waafajiyay Dhamaadka Mudo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada mar sadexaad 27/5/2015 waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada Iyo Madaxwayne Siiraanyo Sanad iyo Todoba Bilooda iyadoo khilaaf Cakiran ka dhacay ay Go’aan Maxkamada Sare ka soo saartay ay ku Go’aanmisay waqti kama danbaysa ee ay dhacayso Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu oo isku lamaan ay qabsoomaan maalin ku beegan 28/4/2017.

Balse,Ruqe Ninkii Lahaa Dabada Hayaa ma kacee waxuu Madaxwayne Siraanyo go’aan sharciga Baalmarsan uu ku kala reebay Labadii Doorasho ee Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha 10/9/2016,iyadoo maalin ku beegan 20/10/2016 Wasiiradii ugu tunka waynaa Xukuumadii Madaxwayne siilaanyo waxay soo abaabushay Mudaharaad Abaabulan oo lagaga soo hojeedo Dawladaha Aduunka ugu tunka wayn ee taageerada dhaqaale u fidiya S/land arimaha doorashooyinka iyo gargaarka kaabayaasha dhaqaalaha aqoonsigana aynu ka sugayno.

Mar kale,Madaxwayne Siilaanyo waxuu bulshada S/land ku sabootiyay in mudo kordhintii Afraad loo sameeyo Golaha Wakiilada maalin ku beegan 6/3/2017 mudo kordhintaas oo khilaafsanayd soo jeedintii Sadexda Xisbi Qaran iyagoo u kordhiyay Golaha Wakiilada mudo 2 Sanno ah.

Waxaase Hubaala in Dimuquraadiyadu ku taagan tahay Todoba Tiir oo isku dheeli tiran waxaana Saldhig u ah Xisbiyo Siyaasadeed iyo Doorashooyin Xor ah Madaxwayne la doortay, Golayaal Baarlamaan oo hab Dimuquraadiya lagu soo Doortay iyo Garsoor Madax banaan iyadoo Muwaadiniinta S/land Geedi Socodka Dimuquraadiyada u Oleleeyaa Warwar xoogan ka qabaan in ay Dimuquraadiyada S/land ay Burburto Mudo Xileedka Xukuumadaha Kulmiye.

Ugu danbayn,waxaa Diiwaanada Taariikhda Sannado iyo Qarniyo danbe lagu Xusi doonaa dhamaan Masuuliyiinta ka qayb qaatay Burburinta Dimuquraadiyada S/land iyadoo aan la garanayn dhanka Geedigu u socdo.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS