Jibis ay ku dhegan yihiin in ka badan 500 oo shilin oo lagu badbaadiyay Australia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jibis ay ku dhegan yihiin in ka badan 500 oo shilin oo lagu badbaadiyay Australia
January 11, 2019 - Written by Reporter:

Koox masaska soo qabata oo ku sugan dalka Australia ayaa waxa ay soo badbaadiyeen jibis ay ku dhegannaayeen boqolaal shilinta xoolaha ah.

Maskan oo la rumaysan yahay inuu xanuunsan yahay ayaa waxaa dushiisa isku gadaamay cayaayankan shilinta ee badanaa xoolaha ku dhega, waxaana laga helay barkad lagu dabaasho oo ku taal xaafadda Gold Coast ee Queensland.

Xirfadyahan ku takhasusay howlaha masaska ayaa soo saaray maska waxa uuna geeyay xarun lagu dabiibo duurjoogta.

Howlwadeennada xanaanada xoolaha ayaa waxa ay maska ka qabqabteen in ka badan 500 oo shilin, waxaana la filayaa inuu maska soo kabsado, waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Tony Harrison oo ah xirfadle ku dheereeya qabashada masaska.

‘Waa sida adiga oo kor u qaadaya waxyaabaha ay carruurta ku dheelaan’

Mr Harrison oo ka tirsan howlwadeennada shirkadda Gold Coast and Brisbane Snake Catchers ee masaska soo qabata ayaa waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in maska oo loogu magac daray Nike uu isku dayayay inuu barkadda lagu dabaasho isaga reebo shilinta ku dheganeyd.

Carpet python from Coolangatta

“Dhab ahaantii, masku xaalad culus ayuu ku sugnaa,” ayuu yidhi.

“Wajigiisa oo dhan waa uu bararay wuuna gadgaduutay waxaana ka saaid caleeyay shilinta ku dheganeyd.”

Waxa uu sheegay inuu dareemay markii uu maska shilinta ka qabqabanayay “sida anigoo kor u qaaday waxyaabaha ay carruurta ku dheelaan, waxaas oo gacmaheyga ku dul dhaqdhaqaaya”.

Masaska ayaa badanaa waxaa ku dhega tiro xadidan oo shilin ah ama cayayaannada kale ee duurka ku nool, waxaa sidaasi sheegay bare sare Bryan Fry oo ka tirsan Jaamacadda Queensland.

Sikastaba xaalku ha ahaadee shilintaas tirada badan ee maska ku dheganeyd ayaa waxa ay astaan u aheyd in masku uu xanuunsanayay, ayuu yidhi, oo weliba ay dhibaato ka soo gaadhay xaalado ka dhashay abaar iyo kuleyl hayay.

“Waa ay iska caddeyn in masku uu aad u xanuunsanayay oo laga soo tallaabay hab difaaceedkiisii,” ayuu yidhi bare sare Fry.

“Waxaan ka shakisanahay in maskaasi uu badbaadi lahaa haddaanan halkaa laga soo bixin oo aanan la daweyn.”

Mr Harrison ayaa goor dambe waxa uu sheegay in maska Nike la yidhaahdo uu caabuq qaaday, walow haatan ay xaaladdiisu wanaagsan tahay”.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS