Nin bisad boosto ku diray oo la ganaaxay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin bisad boosto ku diray oo la ganaaxay
January 11, 2019 - Written by Reporter:

Nin ayaa waxa uu ganaax gudaha Taiwan ugu mutaystay inuu bisad aanu doonayn uu ku diray adeega boostada degdega ah.

Sida lagu sheegay barta internetka ee wararka ee UDN, nin 33-jir ah oo lagu magacaabo Yang ayaa todobaadkan waxaa lagu ganaaxay NT$60,000 taas oo u dhiganta ($1,952); ama giniga Istarliinka (£1,522), taas oo uu ku mutaystay markii uu ku xadgudbay sharciga ilaaliya xuquuqda xayawaannada ee Taiwan, kaddib markii uu bisad intuu ku xidhxidhay kartoon boostada dhigay kuna hagaajiyay goob yar oo xayawaanka lagu xanaaneeyo oo ku taal degmada Banciao.

Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay lacag kale oo dheeraad ah oo dhan NT$30,000 taas oo loo saaray inuu ku xadgudbay sharciga ka ilaalinta iyo ka xakameynta xayawaanta cudurrada dilaaga ah, sababtoo ah shaqaalaha ku sugan xarunta xanaanada xoolaha ayaa sheegaya in bisadda aanan laga tallaalin cudurka raabiyada.

Xafiiska baadhitaanka caafimaadka iyo ilaalinta xawaannada ee magaalada New Taipei ayey u suuragashay inay xogta qofka bisadda ku soo diray boostada ka helaan adeegga boostada ee degdega ah iyo kaamerooyinka ammaanka lagula socdo ee booliska, kaddibna ay bilaabeen baadhitaan arrintaasi ku aaddan.

The cat sent by post

Markaa kaddib ayaa waxa ay la xidhiidheen Mr Yang, kaas oo sheegay inuu isku dayayay inuu bisadda iska fogeeyo sababtoo ah wakhti uma uusan heli karin. Waxa uu intaasi ku daray bisaddu aanay carbiyaysmayn oo ay lugta ka dhaawacday, wixii markaa ka dambeeyayna aanay xaaladeeda soo hagaagayn.

Madaxa hay’adda ilaalisa xayawaannada, Chen Yuan-chuan, ayaa waxa uu cambaareeyay dhacdadaas, waxa uuna sheegay: “Xayawaanka ayaa ku dhegi karta haddii lagu rido kartoon aanay hawo ku filan ku jirin, biyo nadiif ah haddii uusan helin sidaasoo kale wareer ayaa ku imanaya.”

Waxa uu dadka ugu baaqay inay maraan wadada saxda ah ee sharcigu uu ogol yahay waa markii ay go’aan ku gaadhaan in ay isdhaafiyaan xayawaankii ay haysteen, oo waxa ay la xidhiidhi karaan xafiisyada dowladda ama goobaha xayawaanka lagu xanaaneeyo, goobahaas oo xaqiijin doona in xayawaanka la siiyo cunno nafaqa leh sidoo kalana la talaalo.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS