WAJAALE NEWS

Weriye Naafo Ah oo Ku Nool Hargeysa oo Ka Waramay Dhibaatooyin Ay Ku Hayaan Jaran-jarooyinka Dhismayaashu

Hargeysa (WJN)- Maxamed Muuse Jaamac waa wiil dhalinyaro ah oo Naafo ah oo ku nool Hargeysa kana mida Weriyeyaasha ka hawlgala mid ka mid ah Telefiishanada Somaliland, ayaa ka waramay dhibaatooyin ay ku hayaan jaran-jarooyinka dhismayaaasha dhaadheeri, isagoona fariin cabasho ah u diray mulkileyaasha dhismayaashaasi.

Waxa uu sheegay Weriye Maxamed in dhibaato wayn ay ku qabaan kaabadaha ama jaran-jarooyinka marka ay korayaan, Isagoona mulkileyaasha dhismayaasha ka codsaday in guryaha dhistadooda lagu sameeyo marino ku haboon dadka Naafada ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/RICeVM-G244

Exit mobile version