Kumannaan Shaqaalaha Dowladda Mareykanka oo Muddadii Ugu Dheereyd Mushaar La`aan Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumannaan Shaqaalaha Dowladda Mareykanka oo Muddadii Ugu Dheereyd Mushaar La`aan Ah
January 12, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa maalintii 22-naad mushaar la`aan ah boqollaal kun oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Mareykanka, tan oo noqoneysa muddadii ugu dheereyd ee ay shaqaalaha dowladda mushaar la`aan noqdaan.

Dowladdii madaxweyne Bill Clinton, intii u dhaxeysay sanadihii 1995-96, muddo 21 maalmood ayay shaqaalaha dowladda mushaar la`aan ahaayeen.

Madaxweyne Donald Trump ayaa diiddan inuu ansixiyo qorshaha dhaqaalaha, ilaa lagu daro dhaqaalaha derbiga laga dhisayo xadka Mexico.

Dimuqraaddiyiinta ayaa diiday codsigiisa ku aaddan $5.7bn (£4.5bn).

Ku dhowaad saddex meelood meel, shaqaalaha dowladda ayaa shaqada joojiyay, tan oo sababtay in ilaa 800,000 oo shaqaale ah aysan lacagahooda helin.

Maalintii shalay ahayd, shaqaalahaas – oo ay ku jiraan ilaalada xabsiyada, shaqaalaha garoomada diyaaradaha iyo shaqaalaha Hay`adda Sirdoonka Mareykanka – ayaanan helin mushaarkoodii ugu horreeyay sanadka.

Dhanka kale, madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu ku dhawaaqo xaalad degdeg ah si uu u helo lacagta uu doonayo. Wuxuu xusay in qorshaha derbiga uu ka mid ahaa waxyaabihii uu ballan qaaday intaan la dooran kahor.

USA

Maalintii shalay ahayd, qaar ka mid ah shaqaalaha aanan helin mushaarkooda ayaa cabashadooda ku muujiyay baraha bulshada.

Oscar Murillo, oo ah injineer ayaa jeek $0 ay ku qoran tahay soo dhigay barta Twitter-ka, isagoo sheegay inuusan weli lacag helin.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS