Masar oo UK Ugu Baaqday Soo Celinta Duullimaadyadii Sharm el-Sheikh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masar oo UK Ugu Baaqday Soo Celinta Duullimaadyadii Sharm el-Sheikh
January 12, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN)- Safiirka Masar u fadhiya dalka Ingiriiska ayaa ugu baaqay UK inay soo celiso duullimaadyadii tooska ahaa ee Sharm el-Sheikh.

Tarek Adel ayaa BBC-da u sheegay in Masar ay sare u qaadidda garoomadeeda kala shaqeysay kooxaha ammaanka ee Britain, isla markaana ay diyaar u tahay inay billowdo duullimaadyada.

Dhammaan duullimaadyadii UK ee tagi jiray magaalada Sharm el-Sheikh ayaa la mamnuucay bishii November 2015.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii magaaladaasi lagu weeraray diyaarad Ruushka laga leeyahay, waxaana ku dhintay 224 qof oo diyaradda saarnaa. Ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka ayaana sheegtay weerarkaasi.

Sharm el-Sheikh ayaa waxaa sanadkii imaan jiray kumannaan dalxiisayaal ah oo Ingiriiska ka soo jeeda.

Masar

Dowladda Ingiriiska ayaa joojisay dhammaan duullimaadyadii Sharm el-Sheikh, kaddib weerarkaasi oo dhacay 31 October, sanadkii 2015, kaas oo loo geystay diyaarad rakaab sidday oo ka soo duushay garoonka Sharm el-Sheikh.

In ka badan 16,000 oo qof oo u dhashay dalka Britain oo ku xayirnaa Sharm el-Sheikh ayaa dalkooda dib loogu celiyay.

Saraakiisha Masar ayaa wixii markaas ka dambeeyay qirtay ammaan darrada ka jira garoonka magaaladaas, waxayna sanadkii 2016-kii u oggolaadeen koox ka socotay Britain inay qiimeeyaan garoommada ugu waaweyn dalka Masar.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS