War Deg Deg Ah: Ciidamada Booliska Somaliland oo Goor Dhawayd Xabsiga U Taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Ciidamada Booliska Somaliland oo Goor Dhawayd Xabsiga U Taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees
January 12, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxa ay goor dhawad xabsiga u taxaabeen Abwaan Cabdiraxmaan Abees, sida Shabakada Wajaalenews ay u xaqiijiyeen dhalinyaro kula sugnayd goobta laga qabtay Abwaanka.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Abwaan Cabdiraxmaan Abees ay Ciidamada Boolisku ay ka qabteen isagoo ku sugan huteelka Like Asal ee magaalada Hargeysa, Iyadoona Abwaanka ay ciidamada Boolisku ku xidheen xarunta CID-da Hargeysa.

Dhinaca kale xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa la xidhiidha bandhig suugaaneed uu ku soo bandhigay dhibaatooyinka iyo tacadiyada ka jira Xabsiyada Somaliland oo uu habeenkii xalay ahayd ku qabtay huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Xadhiga Abwaanka Kala Soco Shabakada Wararka Ee Wajaalenews

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS