“Kuwa Xafiisyadda Ka Furtay Garoowe iyo Kuwa Diidan Doorashooyinka Waa Isku Mawqif”.Faysal Cali Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kuwa Xafiisyadda Ka Furtay Garoowe iyo Kuwa Diidan Doorashooyinka Waa Isku Mawqif”.Faysal Cali Waraabe
January 12, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ugu baaqay golaha Guurtida Somaliland in mudo xileedka ay u samaynayaan goleyaasha Wakiilada iyo Deegaanka ay ku saleeyaan heshiiskii ay maalintii shalay ahayd wada gaadheen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu hoosta ka xariiqay in qoraalkii uu Madaxweynuhu u gudbiyay golaha Guurtida ee ku aadanaa mudo kordhinta aanay ku jirin golaha Deegaanku.

Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu soo bandhigay shaqsiyaad aanu magacooda sheegan ay xafiisyo ka furteen magaaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland iyo kuwo ka soo horjeeda Somaliland ay doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka ay isku mowqif ka yihiin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/jR4mO1wiujU

COMMENTS
LINKS