Waxa Aad Moodaa In Dalkii Somaliland U Sii Xuubsiibanayo Nidaam Kalitalis Ah Wakhtigan!Qalinkii;Muhumed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxa Aad Moodaa In Dalkii Somaliland U Sii Xuubsiibanayo Nidaam Kalitalis Ah Wakhtigan!Qalinkii;Muhumed Dhimbiil.
January 12, 2019 - Written by Editor:

“Muuse Biixi Waxa Uu u Muuqdaa Shaqsi Ku Jira Kaambaynkii Doorashada Iyo Wax Iska Celin , Oo Hayinimadii Dulqaadkii Iyo Tanaasulaadkii Madaxwaynenimo Kama Muuqato”muhumed Dhimbiil.

Xukuumadan uu hogaaminayo hogaamiyaha inta badan soo ahaa mucaaradka qalafsan oo lagu xasuusto ad adayg iyo ku jiqsii siyaasadeed ayaa maanta oo uu Madaxwayne yahay sanad iyo bil aan habayaraatee wax muuqda dalka ku soo kordhin.

Mudadaa uu Madaxweynaha ahaa waxa lagu xasuustaa mar uu xisbiga WADDANI durayo iyo mar uu Farmaajo iyo somalia fagaarayaasha kaga hadlayo mooyaane aanay muuqan wax umadan wax u ah oo uu soo kordhiyey oo bulshada uu hogaanka u yahay ay dareemi karaan wakhtigan aynu ku jirno.

Muuse Biixi Waxa Uu u Muuqdaa Shaqsi Ku Jira Kaambaynkii Doorashada Iyo Wax Iska Celin , Oo Hayinimadii Dulqaadkii Iyo Tanaasulaadkii Madaxwaynenimo Kama Muuqato , hadii sidan lagu sii socdo waa mid Somaliland looga warwari karo hogaamintiisan .

Waxa kale oo aan aheyn wax la eegan karo dalkan nidaamkiisii doorashoiyinku noqday la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan iyo korodhsiimooyin aad moodo in sharci noqdeen oo aan cid isku xilqaameysaa muuqan, dadkiina maalinba maalinta ka dambaysa ka sii rajo dhigayaan in ay heli karaan hogaamin wanaagsan markuu hab-dhaqankani daashaday.

Somaliland halkan waxa ay ku soo gaadhay isu tanaasul iyo waxwada qabsi    waxaaba aad moodaa in dalku u sii xuub siibanayo nidaam kalitalis ah oo qabta iyo xidha iyo tayda ha la raaco iyo la isku joojin maayo ah , taasina wax umadan anfacaysa maaha lagumana dhaqi karo dadka reer Somaliland.

Doorashooyinku waa mustaqbalka iyo masiirka umadani leedahay in iyada oo la isaga raali yahay la qabto oo lagu wada qanacsan yahay qaabka loo qabanayo iyo cida qabanaysa mooyaane ilama aha wax suuragalaya waxyaabaha la wadwado ee dhinaca ka rarani.

Dadka reer Somaliland waxa ay u baahan yihiin hogaamin caqli iyo horumar ku dhisan oo halkaa dalku maanta joogo hore uga sii wada , ee uma baahna hogaamin aad moodo xoog iyo ciidan lagu maamulo oo umadan tacabka dheer soo gashay midhahooga la tacab khasaariyo.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS