Buuraha Waqooyiga Sanaag Oo Noqday Hoygii Dahabka Ee Xiligan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Buuraha Waqooyiga Sanaag Oo Noqday Hoygii Dahabka Ee Xiligan!!
January 12, 2019 - Written by Editor:

Tan iyo Markii Buuraha Waqooyiga Gobolka Sanaag Ee Ay Kamidka Buuraha Cirshiida Dhicir iyo Buurta Ceel Dibir Laga Helay  Dahabka Nooca Loo Yaqaano Negedka Dhamaadkii Sanadii 2017 Ee La Soo Dhaafay Aya Waxa Isa Soo Tarayay Dadka Ka Shaqeeya Dahabka iyo Kuwa Ka Ganacsada Ee Halkaasi Hooyga Ka Dhigtay.

Waxana Beryihii U Danbeeyay Isa Soo Tarayay Ilaha Dakhli Ee Muwaadiniinta Ka Shaqaysta Dahabka ka Soo Gala

Hadaba Sanadan 2018ka Ayaa la Kowsatay Weji Cusub Oo Ah In Ay Ku Soo Dhiiradaan Shirkado Doonaya In Ay Degaanadaasi Ka Bilaabaan Soo Saarista Dahabka Loo Yaqaano Dust Gold.

Arintani Ayaa Ka Duwan Tii Hore Ee Dadku Kaga Shaqaysanayeen Buurahasi Iyada Oo Shirkadan lagu Magacaabo Tacab Wadaag Maining Compeny Oo Uu Leeyahay Muwaadin Deegaanadaasi Ka Soo Jeeda Kaasi Oo Ku Rajo Weyn Hadii La Soo Saaro Dahjabkaasi Dust Golka Ay Shirkadu Digaanadaasi Ka Fulin Doonto Horumaro Baladhan Oo Taabo gala Kuwaasi Oo Ay Ugu Horeeyaan Dhinaca Waxbarashada Caafimaadka Biyaha iyob Wadadada  Isku Xidha Maydh iyo Ceerigaabo Ee Rafaadka Badan In Ay Shirkadu Dusha U Ridato Oo Laami Ka Dhigto

Dhanka Kale Shirkada Dahabka Ee Tacab Wadaag Maining Compeny Ayaa Haatan Si Rasmi ah Soo Saarista Dahabka Dust Goldka Uga Bilaabaysa Buuraha Degmada Maydh Ee Gobolka Sanaag

Si Kastaba Ha Ahaatee Arintani Lagu Soo Saarayo Qayb kamida Khayraadka Ku Duuganb Buuraha Gobolka Sanaag Ayaa Abuuri Doonta Horumar Balaadhan iyo Ila Dakhli Oo Kor U Qaada Horumarka Gobolka Sanaag Ku Talaabsanayo

COMMENTS
LINKS