Ma La Qarin Karaa Dhaliilaha Dulhoganaya Wasaarada Arimaha Gudaha Jsl Iyo Sida Ay Uga Gaabisay Hawlihii Qaranka Uhaysay ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma La Qarin Karaa Dhaliilaha Dulhoganaya Wasaarada Arimaha Gudaha Jsl Iyo Sida Ay Uga Gaabisay Hawlihii Qaranka Uhaysay ?
January 12, 2019 - Written by Editor:

Ma Jirtaa Hoos U Dhac Ku Yimid Amniga Dalka Iyo Hogaaminta Maamulka Gobolada iyo Dagmooyinka Mudo Xileedka Wasiir Maxamed Kaahin Axmed?

HARGAYSA(W,N)-Wasaarada Arimaha Guduhu,waa Wasaarad Laf dhabar u ah Dhismaha Dawladnimo,waa mishiinka xidhiidhiya Dawlada dhexe iyo Dawlada hoose,waa Wasaarad Jaangoysa Siyaasada arimaha gudaha iyo Amniga dadka iyo dalka,waa Wasaarad hogaamisa dhamaan Laamaha Amniga iyo Maamulada Gobolada,Degmooyinka iyo Tuulooyinka Dalka S/land ka kooban yahay,waa Wasaarad Astaan u ah Nidaamka Maamul ee dalka ka jira, iyadoo Qaladka Wasaarada arimaha gudaha galaa ka dhigan yahay qalooc galay Laamaha Aminga iyo Maamulka Gobolada,Dagmooyinka,Tuulooyinka iyo dhamaan deegaanada dalka S/land ka kooban yahay .

Mar kale,dadka ka mida dadka sida joogtada ah ula socda hanaanka xill gudasho ee Golaha Wasiirada xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi ayaa ku tilmaamaya in Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamad Kaahin Axmed uu hormood u noqday Wasiirada ku fashilmay xilkii loo igmaday ee ay qaranka S/land u hayeen,dhaliilahan iyo fashilaadahan ka muuqda hogaamints Wasiir Maxamad Kaahin Axmad ayaa marag cad looga dhigi karaa heerka ay ka joogaan Golaha Wasiirada xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi,ku dhaqanka sharciga,Maamul wanaaga,La dagaalanka Musuq-maasuqa iyo Cadaalad laga hirgaliyo laguna hogaamiyo dhamaan Maamulka Gobolada Dagmooyinka,Tuulooyinka dalka S/land ka kooban yahay ugu horaynse ball aynu dul joogsano Xeer Nidaamiyihii u dambeeyay ee uu soo saaray Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo si cad u qeexaya xilka iyo waajibaadka saaran Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha.

XEER-NIDAAMIYAHA DHISMAHA WASAARADAHA IYO HAY’ADAHA  XUKUUMADDA

Xeer-nidaamiye Lr.01/2018 Qodobka 27aad: Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Wasaaradda Arrimaha Gudahu waxay yeelanaysaa awoodahan iyo shaqooyinkan soo socda :-

1) In ay maamusho, horomarisana hay’adaha amniga ee hoos yimaada Wasaaradda.

2) In ay diyaariso xeerarka,istaratiijiyadaha iyo siyaasadaha arrihama gudaha iyo amniga wadanka.

5) In ay sugto ammaanka muwaadiniinta,kala danbeynta iyo anshaxa guud.

6) In ay ka hortagto,lana dagaalanto dambiyada iyo wixii keena Inkastuu xeerku cadeeyay in waajib gaara ahi ka saaran yahay ilaalinta Amniga Muwaadiniinta S/land Wasaarada Arimaha Gudaha waxay Bulshadu ka warhaysaa in dagaaladii ugu badnaa ka dhaceen Gobolada Sool iyo Sanaag mudo xileedka Wasiir Maxamad Kaahin Axmad,dagaaladaas oo sobobay in dhimashadii ugu badnayd ka dhacdo sida Dirirtii u dambaysay ee labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay deegaanka ( Dhumay ) ee Gobolka Sool oo sabobtay dhimashada 70 qof iyo in ka badan dagaalkan oo ahaa dhacdo murugo leh oo lagu tilmaami karo fashilaadaha dull-hoganaya Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamad Kaahin Axmad .

Inkastoo Laamaha amnigu dhamaantood ay hoos tagaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya dhaliilaha ay u soo jeedinayaan Siyaasiyiinta iyo Abwaanada dalka S/land Laamaha amniga dhaliilahaas oo tilmaamaya in Wasaarada Arimaha Guduhu ay gabtay waajibaadka sharci ee ka saaran hormarinta Amniga dalka,xeerarka,istiraatiijiyadaha iyo siyaasadaha maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka s/land ka kooban yahay,ballse aynu Bulshada S/land u iftiimino masuuliyada sharci ee xeerku ku waajibiyay Wasaarada Arimaha Gudaha:-

20) In ay diyaariso hormarisana xeerarka,istiraatiijiyadaha iyo siyaasadaha maamulada gobollada iyo degmooyinka dalka.

21) In ay hogaamiso, xidhiidhisana siyaasadaha maamul daadjinta oo ku dhisan Mabaadii’da maamul wanaagga.

22) In ay curiso, hirgaliso, kormeerto, qiimayso iskuna dubariddo siyaasadaha iyo barnaamijyada dib u habeynta maamul daadejinta,si loo dhiso,maamul wanaagga iyo adeegga bulshada.

23) In ay samayso,hirgelisana barnaamijyada kobcinta awoodda golayaasha degmooyinka iyo dawladaha hoose si loo hagaajiyo bixinta adeegyada iyo maamulka khayraadka dadweynaha.

24) In ay hirgaliso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka gobolada iyo degmooyinka iyada oo lagula xisaabtamayo qorshahooda iyo waxqabadkooda.

25) In ay dhisto awoodda golayaasha deegaanka iyo shaqaalaha dawladaha hoose si ay si wax ku ool ah ugu gutaan waajibaadkooda, loona xaqiijiyo in bulshada Somaliland ku noolaadaan jawi nabdoon iyo horumar.

26) In ay isku xidho mashaariicda nabad gelyada iyo kuwa horumarinta ee ay hay’adaha caalamiga ahi ka fuliyaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Ugu dambayn waxaa iswaydiin mudan:-Maxaa lagu tilmaami karaa Fashilaadaha iyo dhaliilaha muga leh ee ka muuqata Wasaarada Arimaha Gudaha muddo xileedka Wasiir Maxamad Kaahin Axmad ? Maxaa ka hortaagan Wasiir Maxamad Kaahin in uu ku dhaqmo kuna hogaamiyo Laamaha Amniga iyo Maamulka Gobolada iyo Dagmooyinka Qodobada Sharci ee Xeer Nidaamiyaha ku cad ?

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS