Qiso Wakhti Hore Dhexmartay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Aabaha Dhalay Abwaan Cabdiraxmaan Abees | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qiso Wakhti Hore Dhexmartay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Aabaha Dhalay Abwaan Cabdiraxmaan Abees
January 12, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees oo habeen hore huteel Maansoor ee Hargeysa ku soo bandhigay suugaan uu kaga hadlayo tacadiyadiyada ay bulshadu kala kulanto dowladda, gaar ahaan Saldhigyada Booliska iyo wixii la mid ah.

Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa soo bandhigay door uu Madaxweyne Muuse Biixi ku lahaa in Abwaan Cabdiraxmaan Abees uu ka mid noqdo bahda fanka.

Guddoomiye Xuuto ayaa soo bandhigay qiso wakhti hore dhexmartay  Abwaanka ay Xukuumadu xidhay aabihii iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Solja uu ku baahiyay barta xidhiidhka bulshada ee facbooga ayaa u dhignaa sidan:-

Xadhiga Abwaan C/raxmaan Abees waxa uu i xusuusiyey sheeko Aabihii Abees kaga sheekaynayey xadhigiisii uu xalay ka gabyey iyo waliba suugaantiisa oo aannu jeclayn balseMadaxeyne Muuse Biixi ku qanciyey in uu u daayo isagoo Madaxweyne Muuse la dhacsanaa Suugaanta Inna Abees.

Ibraahim Abees oo ah Mujaahid ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland sida aan taariikhda ku hayana ah qoys Suugaantoodu Hido-raac tahay balse aan wakhtigan jeclayn inankiisu inuu ku shaqaysto Hal abuurnimaddiisa ayaa yidhi ” Habeen uun baan daawaday Telefishanka mise Gabadh heesaysa oo wariyihii leeyahay waxa sameeyey C/raxmaan Abees dabadeedna waa isaga kacay qolkii Telefishanku yaallay. ninkii aan isagoo Ingiriiska jooga aan ka xanaaqsanaa uun baa Hargeysa iigu yimi dabadeed na guriga ii dhaaf baan ku idhi ma anigaad Heeso iila timid halkaan kaa filayey inaad wax-soo-taransato.”

Aabo Abees waxa uu intaa raaciyey “Maalmo markii uu iga madax gadayey ayaa ba waxa maalintii danbe ila soo hadlay Muuse Biixi oo u dacwiyaya oo leh waar inanka isaga tag maxaad Fanka ugu haysataa miyaadan ogayn dunida in uu ka leeyahay Qiime wayn kuwan Somalida ah uun baa ku dhibaataysane.”

Aabo Abees sheeko dheer oo maslaxaadii Madaxweyne Muuse ah buu halkaa mariyey waxaanu ku soo gabagabeeyey in uu Muuse ku qanciyey in uu inanka u daayo Fankiisa.

Hadaba, Aniga xalay baa iigu horaysay muuqaalka Abwaan Abees, gabayga hore ee uu xadhigiisa ka tiriyey oo aan dhagaystayna Aabihii Ibraahim Abees baa maalintaa ka sheekaynayey Abwaankunna xalay hordhiciisa waxa uu ku sheegay inuu maalintaas la xidhay tiriyey balse laga codsaday inaanu baahin.

Inkasta oo uu daahay xadhigiisu dad badan oo xalay madashii Maansoor joogay waxay filayeen waxa maanta dhacay oo dad badan baaba aan gabaygiisii danbe u joogin cabsidaa darteed.

Goor dhawayd markii la ii soo sheegay xadhiga Abwaan Abees waxaan is weydiiyey maxaa loo xidhay Abwaanka maadaama Madaxweyne Muuse Biixi ku dirqiyey Aabihii in uu daayo Fankiisa, isla markaana la dhacsannaa Fankiisa oo waliba aan ogahay Madaxweynaha laftiisu in uu yahay Reero Suugaaneed.

Sidaas daraadeed; waxaan ku baaqayaa in xorriyaddiisa loo celiyo Aragtidiisana la tixgaliyo oo wixii la awoodo wax laga qabto dhaliilaha uga muuqaday. Allaa Mahad leh.

 

 

COMMENTS
LINKS