Fabregas oo ku biiray Monaco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fabregas oo ku biiray Monaco
January 12, 2019 - Written by Reporter:

Kooxda Monaco ayaa Jimcihi ku dhawaaqday saxeexa laacibka reer Spain ee Cesc Fabregas kaasoo oo hadda kasoo wareegay kooxda Chelsea.

Fabregas oo ah ciyaaryahan ka ciyaara khadka dhexe ayaa Chelsea ka tirsanaa tan iyo sannadki 2014-ki xilligaas oo uu kasoo tagay kooxda Bacelona.

Cesc Fabregas

Hore wuxuu ugu soo ciyaaray kooxda Arsenal sannadihi u dhaxeeyay 2003-11.

Chelsea wuxuu kula guuleystay laba horyaal sidoo kale Barcelona ayuu lasoo qaaday horyaalka Spain ee La Liga muddadii uu joogay Spain.

COMMENTS
LINKS