FBI-da Mareykanka oo Baadheysa In Trump Uu Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeyo Ruuushka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FBI-da Mareykanka oo Baadheysa In Trump Uu Si Qarsoodi Ah Ula Shaqeeyo Ruuushka
January 13, 2019 - Written by Reporter:

Washigton (WJN)- Aqalka Cad ayaa cambaareeyay war sheegaya in hay`adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ay bilowday baadhitaan ku aaddan in madaxweyne Trump uu si qarsoodi ah ugu shaqeeyo Ruushka iyo in kale.

Saraakiisha sharci-dejinta ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Trump bishii May, sanadkii 2017, kaddib markii uu shaqada ka caydhiyay agaasimihii FBI-da, James Comey.

Baadhitaanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray in Trump uu khatar ku yahay ammaanka Mareykanka.

“Tani waa wax aan macquul ahayn,” xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders ayaa sidaa tidhi.

“James Comey waa la caydhiyay, sababtoo ah wuxuu ahaa qof aan xushmad lahayn, ku xigeenkiisii Andrew McCabe, isagana waa beenaale la yaqaanno waxaana caydhisay FBI,” ayay ku tidhi warsaxaafadeed ay soo saartay.

“Si ka duwan madaxweyne Obama, oo u oggolaaday Ruushka iyo dalal kaleba inay Mareykanka saameyn ku yeeshaan, madaxweyne Trump si adag ayuu ula dhaqmayay Ruushka.”

Sanadkii 2016, hay`adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu waday weerarro dhanka internetka ah, isla markaana uu warar been abuur ah ku qorayay baraha bulshada si uu u taageero Ruushka, isla markaana uu u dhaawaco sharafta haweeneydii Trump kula tartameysay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, Hillary Clinton.

 

Source: BBC

COMMENTS
LINKS