Sababta Xilka Looga Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Koobaad Ee Xisbiga Ucid! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sababta Xilka Looga Qaaday Gudoomiye Ku Xigeenkii Koobaad Ee Xisbiga Ucid!
January 13, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddida fulinta Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid oo maanta cod gacan taag ah xilkii iyo xubinimadii xisbiga kaga qaaday ku xigeenkii xisbiga Cabdinaasir Buuni, haseyeeshee xisbigga UCID muu cadayn sababaha rasmiga ee masuulkani maamuus ka xayuubinta loogu sameeyey.

Guddoomiye kuxigeenka xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni oo warbaahinta la hadley ayaa sheegay inuu is casilay ka dib markii ay isku aragti noqon waayeen gudoomiyaha xisbiga.

“Waxaanu isku haynaa maxa loo leeyahay ajande aan Somaliland ahayn buu WADANI wataa, waa xisbi boqolkiiba afartan helay, KULMIYE xurmuu u hayaa WADANI mar walbana wuxuu yidha aragtidiina waan idinku ixtiraamaynaa, laakiin aniga hadii gudoomiyahaygu uu qaatay inuu shaanbad ku dhufto Xisbiga WADANI anigoo ku xigenkiisa ah damiirkaygu ii siin maayo inaan sii joogo, marka waan ka tagay UCID”ayuu yidhi Cabdinaasir Buuni.

Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga UCID ayaa sheegay inay khalad tahay in la isku joojin waayo oo xisbigii WADDANI oo wax diidan hawsha la iska sii wato, isla markaana ku dooday in aanu ogolaanayn in khalad jira iska taageero ee uu ka shaqayn doono sidii xisbiyada uu iskugu keeni lahaa.

WAJAAALENEWS .NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS