Isbedalka Siyaaasada Caalamka Iyo Isxulafaysiga Cusub Maxaad Kala Socotaaa?FAALO. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbedalka Siyaaasada Caalamka Iyo Isxulafaysiga Cusub Maxaad Kala Socotaaa?FAALO.
January 13, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Tan Iyo markii uu burburay midowgii soofiyeet dunidu waxay noqotay world super one power.

Mana ay jirin wax iska caabin kara maraykanka oo aha super one power.

Waxyaabaha Aan marnaba loo loodin karina waxaa ka mid ah dhaqaalihiisa oo inuu kordho mooyee marna aan hoos u dhac ku iman. Waxuu dhamaan caalamka ka samaystay saldhigyo milatari si toos ahna wuu u faragaliyay siyaasada wadamo badan oo caalamka.

Hadaba waxaa isna waayadan danbe soo xoogaystay oo ay korodhay awoodiisa dhaqaale iyo ta aqooneed iyo ta ciidanba dawlada shiinaha .waana ta keentay tartanka wajiyada badan ee ka dhexeeya labada dal.

Shiinuhu hawlihiisii ganacsi ayuu dardar galiyey waxaanu maalgalin balaadhan ku samaynayaa  qaarada afrika sidoo kale saldhigyadiisa ayaa sii kordhaya.

Geesta kale quwadaha kale ee caalamka ayaa qaadanaya doorkooda oo dawlada ruushka ayaa iyana imika bilowday inay saldhigyo milatari ka furato caalamka.

Waxaana si dad ban u bilaabmaya is xulafayse looga baqi karo inuu sababo dagaal sadexaad oo dunida ka dhaca.

Hadaba waxaa iyana hada soo ifbaxay qorshayaasha siyaasadeed ee dawlada guunka ah ee united kingdom

Taasi oo garwaaqsatay inay soo celiso saamayntii balaadhnayd ee ay ku lahayd siyaasada caalamka.

Ingiriiska ayaa dhawaan markuu ka baxo midowga yurub si toos ah doorkiisa uga ciyaaraya siyaasada wadamada caalamka waana ta keeentay inuu saldhigyo milatari haatan bilaabo inuu ka furto wadamada aasiya iyo afrika.

Hadaba waxay iswaydiintu tahay ingiriisku  ma waxuu badhi taari doonaa siyaasada iyo danaha dawlada maraykan mise damac u gaar ah  ayaa jira

Arimahan ayaa waxaa iba salaaxaya werwerka caalamku ka qabo khayraadka dabiiciga ah ee sii yaraanaya waana lagu loolamayaa taasi oo laga yaabo inay keento khilaaf caalami ah oo sababa dagaal.

Si kastaba ha ahaatee saansanta qaarada madow ee afrika waxay u eegtahay uun duulaankii hore uu gumaystuhu ugu soo qaaday oo qaab cusub oo casriyaysan ah waxaana kaliya ku soo kordhay uun wadamadii reer  yurub shiinaha . Iyo carabta oo iyadu ku leh door adeegayaal.

Qalinkii cabdikariim m. Cadde( Qaamuus)

COMMENTS
LINKS