WAJAALE NEWS

Gabadh xabadka ku salaantay wiil oo Jaamacadeedii laga eryay

Jaamacadda ugu faca wayn dalka Masar ee, Al Azhar ayaa laga eryay gabadh ardayad ah sababo la xidhiidha in laga daawaday muuqaal iyadoo xabadka ku salaamaysa wiil arday ah.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay labadaan arday oo ku sugnaa goob u muuqatay inay tahay makhaayad Kafeega laga cabo.

Wiilka ardayga ah ayaa la sheegay inuu jilba joogsaday kadibna uu gabadha u dhiibay ubaxyo, taasi oo uu uga codsanayay guur.

Gabadhan yar ee ardayadda ah ayaa la sheegay In ayana ay u muuqatay mid argagaxsan. Kadibna wiilka ayaa istaagay oo xabadka ku salaamay.

Madaxa jaamacada al-Azhar ayaa sheegay in gabadha ardayadda ah laga eryay jaamacada maadama ay jabisay anshaxa iyo qiyamka jaamacadda.

Jaamacadda Al-azhar ayaa ah tan ugu weyn caalamka ee muslimiinta Suniga ah ee laga barto culuumta islaamka.

Dhanka kale, lama sheegin nooca ciqaabeed ee lagu sameeyay wiilka oo isna arday ka ahaa jaamacadda.

 

Exit mobile version