“Ma Jecli Shaqada Komishankan Luudaya, Laakiin Doorashada Hadii Ay Qabtaan Anigu Cid Ka Horjoogta Ma Arkayo”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Jecli Shaqada Komishankan Luudaya, Laakiin Doorashada Hadii Ay Qabtaan Anigu Cid Ka Horjoogta Ma Arkayo”Cali Guray.
January 13, 2019 - Written by Editor:

“Xirsi Iyo Cirro Waxay Doorasho Xor & Xalaal Ah U Arkayeen Tii Iyagu Ay Komishanka Dusha ka Haysteen Ee Isjiidkii Kulmiye-Waddani Ee Golayaasha Degaanka”Cali Guray.

ILAYN CEEB LOOMA DHINTO!!

Aniga ii haya Ilaahayna nabad ha inagu gaadhsiiyo. Ma jecli shaqada Komishankan luudaya laakiin doorashada hadii ay qabtaan anigu cid ka horjoogta ma arkayo eh iga qora WADDANI oo tartanka ku jira hadii la arki waayo tu dambe ha iga qorina. Ma waxa filaysaan inay taladoodu noqon doonto in hal kursi aanay ku yeelanin Aqalka Wakiilada? Ma dhacayso taasi ee Komishankan maxaa haysta? yaa ka hortaagan inay hawlihii doorashada qabtaan?.

Hadii aanay garan karayn meel ay ka bilaabaan aniga ayaa u sheegi ee ma warqad furan oo ku socota Komishanka doorashada ayaan ugu qoraa ama ha qaataan ama yay qaadanine? Waan aqaan dadkeena oo ceeb bay u yaqaanaan inay talo qaataan oo waxay jecelyihiin in laga qaato caqli gaabkuna wuxu u yaqaan in lala taliyo in loo talinayo. Ragna waxa ugu liita nin aan talo haynin talona qaadanin sida komishanka sanad iyo dheeraad iska fadhiyay hawlina u taalay. Wax laga yeeli lahaaba waxa u hiiliyay anigu sida aan qabo xisbiga waddani ee leh doorashadii aanu waynay bay qabteen ha la kala diro.

Hadda Xirsi iyo Cirro waxay doorasho xor iyo xalaal ah u arkayeen tii iyagu ay komishanka dusha ka haysteen ee isjiidkii Kulmiye-Waddani ee Golayaasha Degaanka ee wuxii dhacay aynu wada ogayn. Waxan dhegaysanay clip uu Xasan Cuise Jamnac kaga hadlay. Bal nimankaa taa wixii dhacay iyagu dhigay indho adaygiisa ayuu xirsi gaab maanta doorasho iyo Komishan ka hadlayaa.

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS