Turkiga oo Si Cadho Leh Jawaab Uga Bixiyay Hanjabaadda Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Turkiga oo Si Cadho Leh Jawaab Uga Bixiyay Hanjabaadda Mareykanka
January 14, 2019 - Written by Reporter:

Istanbul (WJN)- Turkiga ayaa si cadho leh uga jawaabay hanjabaadda madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weeraro xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama Suuriya. Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu ciidamadiisa ka joogo Suuriya uu halkaasi kala soo baxo.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in hadalka Trump ay muujineyso cadaadiska Trump ee saran ee ku wajahayo dalkiisa.

Wuxuu sheegay in aysan habooneyn in xidhiidhka saaxibtinmo ee ka dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka aanan looga hadlin baraha bulshada.

Ibraahim Kalin oo ah afahayeenka madaxweynaha Turkiga Regep Tayyip Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay filayaan in Mareykanka uu qaddariyo saaxibtinimada kala dhexaysa ee dhanka iskaashiga gobolka.

Qoraallo is xig-xigay uu barta Twitter-ka kusoo qoray madaxweyne Trump wuxuu sheegay in booqashada xoghayaha arrimaha dibadda uu ku marayo gobolka bariga dhexe ay aag nabdoon u abuureysa maleeshiyaadka Kurdiyiinta si aanan weerar loogu qaadin.

Mareykanka wuxuu maleeshiyaadka Kurdiyiinta ugu baaqay inaysan dandaansanin Turkiga.

COMMENTS
LINKS