Jigjiga: Sida Ay U Nooshahay, Waxna U Shukaansato Gabadh Dhagool Ah, oo Aqoonyahan Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jigjiga: Sida Ay U Nooshahay, Waxna U Shukaansato Gabadh Dhagool Ah, oo Aqoonyahan Ah
January 14, 2019 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Ubax Cabdi Xuseen waa gabadh lixaadkeedu dhiman yahay oo aan dhagaha waxba ka maqlin, iyadoo aqoon yahanad ah ayayna dhibaato ku qabtaa la xidhiidhka bulshada.

Waxay lahayd hami ah in ay meel sare ka gaadho waxbarashadeeda, laakiin nasiib darro waxay dhibco hoose ka keentay fasalkeeda tobnaad.

Ubax ayaa Iskuulkeeda ku billawday iyadoo toddoba sano jir ah markaas oo ay ka billawday fasalka kowaad iyadoo kaga baxday fasalka tobnaad.

Dadka aanu lixaadkoodu dhamaystirnayn gaar ahaan kuwa dhagaha la’a ayaan badankood helin waxbarasho ku filan, sababtuna waa gayiga Soomaalida oo aanay ku badnayn dugsiyo waxbarasho oo loogu tala galay dadkaas baahiyaha gaarka ah qaba.

Ubax Abdi Xussen oo iyadoo yar uu aabbaheed Geeriyooday, ayna soo korisay hooyadeed oo waxbarasho geysay ayaa dhigan jirtay iskuullada caadiga ah ee ay dadka wax maqla dhigtaan, ka hor intaaan la sameynin iskuullada loogu tala galay dadka dhagaha la’a.

Kaddib waxay qaadatay shahaadda tobnaad iyadoo iska diiwaan galisay dugsiga farsamada, si ay u barato cunta karinta.

”Shahaadadii tobnaadka waxay ii yeelatay faa’ido badan waxaa ka mid ah in la igu qaabilo qeybta barashada farsamadda oo aan ku bartay cunto karinta oo hadda aan ka qalin jabiyay”

Ubax ayaa waxay si fiican wax ugu qortaa luuqadda Ingiriska iyadoo sheegtay in sababta ay tahay Iskuulka wax lagu baro luuqadda Ingiriska gaar ahaan qoraalka iyo faro ka hadalka.

”Marka aan tago dukaamada oo aan rabo inaan wax ka iibsado waxaan ku dhib qabaa qoraalka Afsoomaaliga oo aan wax ku qori Karin, waxaana ii fudud Ingiriiska oo aan si fiican u garanayo qoraalka iyo faraha markii laga hadlayo.

Ubax waxay hadda xidhiidh jacayl la leedahay wiil iyada oo kale ah oo maqalka la’ waxayna sheegtay in badanaa ay ku wada xidhiidhan farriin qoraaleed.

Waxay sheegtay in markii ay ka qalin jabisay jaamacadda cunto karinta aysan helin wax fursad ah, balse ay dhawaan rajeyneyso in ay hesho fursad.

Halkan hoose ka dhagayso waraysiga

https://youtu.be/gTYsYFYnk40

COMMENTS
LINKS