Guardiola: Kevin de Bruyne “wuu garanayaa halka aan joogo”. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guardiola: Kevin de Bruyne “wuu garanayaa halka aan joogo”.
January 14, 2019 - Written by Reporter:

Tababaraha naadiga Manchester City Pep Guardiola ayaa yidhi in haddii uu Kevin de Bruyne cabasho qabo “wuu garanayaa halka aan joogo”.

Hadalka Guardiola ayaaa ku soo beegmaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in De Bruyne uusan ku faraxsanayn markii bedelka lagu sameeynayay kulankii koobka Carabo ay la ciyaarayeen Burton Albion.

“Isaga lama aan hadlin sidaa darteed ma sheegi karo waxa niyaddiisa ku jira,”ayuu yidhi Guardiola.

City ayaa waxa ay maalinta Isniinta ah gurigeeda ku marti galin doontaa kooxda Wolves.

.

De Bruyne oo ka cayaara khadka dhexe ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee kulankii Burton balse markii dambe waxaa lagu bedelay Phil Foden.

Waxa uu dhaawac ka soo gaadhay kulan uu u saftay kooxda qaranka ee dalka Belgium, taas oo sababtay in aanan lix kulan lagu bilaabin kulamadii ay cayaareen naadigisa Manchester City.

Guardiola ayaa Bishii December sheegay in De Bruyne uu daalay kadib markii 12 bilood oo toos ah uu cayaarayay. Waxa uu 12-kaas bilood city u saftay 52 kulan kadibbna waxa uu ka qayb galay koobka adduunka.

Si kastaba, De Bruyne ayaa iska fogeeyay eedeyntaasi.

COMMENTS
LINKS