WAJAALE NEWS

Messi oo dhaliyay goolkiisii 400-aad

Kooxda Barcelona waxay 3-0 uga badisay naadiga Eibar. Goolasha laba ka mid ah goolasha waxaa dhaliyay Luis Suares, halka goolka sadexaad uu dhaliyay Messi.

Guusha ay Barcelona gaadhay ka sokoow, wuxuu kulanki xalay qiimo gaar ah u lahaa ciyaaryahan Lionel Messi oo dhaliyay goolkiisii 400-aad ee uu ka dhaliyo horyaalka La Liga. Wuxuuna sidaasi ku noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay taariikhda horyaalka kubadda cagta Spain ee dhaliya 400 oo gool.

Messi, horraantii xilli ciyaareedkaan ayaa laga dhigay kabtanka kooxda Barca oo uu marki ugu horreysay u saftay sannadki 2004-ti. Tan iyo xiligaas wuxuu ciyaaray 435 kulan oo ka tirsan horyaalka La Liga.

Exit mobile version