Guul Darooyinka Waxa ka Mid ah Inaad Abaari Waydo Halka Uu Khaladku Ka Jiro!W/Q;Barkhad ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guul Darooyinka Waxa ka Mid ah Inaad Abaari Waydo Halka Uu Khaladku Ka Jiro!W/Q;Barkhad ladiif.
January 14, 2019 - Written by Editor:

Waagii kulmiye Mucaaradka ahaa UDUB waxay ku eedeen jirtay wax kasta oo dhaca inuu KULMIYE ka dambeeyo, waxaana arrintaasi ka dhalatay odhaah caan baxday oo ahayd “ Qoraxdaas kulul kulmiye ka dambeeyey, Waxa taas imika Bedeshay in wax kasta oo la dhibsado la yidhaahdo Soomaaliya ka dambaysa oo wixii la dhibsado si Eed loogu helo soomaaliya lala xidhiidhinayo.

Wasiirka arrimaha Qoysku oo tilmaamayso dhalinyaro reer Somaliland ah oo baraha bulshada wax kaga sheega Somaliland ayaa tidhi “baraha bulshada dagaal baa ka socda oo qaar Somaliland sheegta oo laga maalgaliyo xafiiska Farmaajo oo duulimaad ku ah qaranimadeena ay jiraan, waa inaad kuwaas ka digtoonaataan oo iska ilaalisaan ”

Abwaan Laabsaalax oo ka hadlay dhacdadii fanaaniinta loogu diiday Hoteelka lagu waraysanayey in xafladaasi laga baajiyo Khalad ku Tilmaamay Waxa lagu eedeeyey inay cidi ka dambayso, Gabayadii uu Abwaan Abees Tiriyeyna waxay ciidanka boolisku ku doodeen in abaabul qorshaysan oo laga dambeeyo ay ahayd.

Wasiirka Warfaafintu waxuu isna yidhi “”Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. ”

Arrimahaasi oo dhami waxay tilmaamayeen heestii khadra Daahir qaadi jirtay ee ahayd “ Cudurka ka galla fardaha hadii dameer laga gubo dawada lama gaadhayo.” In xalka laga raadinayo meel aan ahayn, iyadoo la iska indho tirayo xalka.

Hadii arrintaasi run tahay oo laga dambeeyo xadhigu xal maahee sidii aad u kasban lahayd ficilkeeda same. Dee ku shubo hadii waxa lagu shubtay.

QALINKII; BARKHAD LADIIF CUMAR.

COMMENTS
LINKS