Kulmiye haduu Dhan ka Rari jiray maanta Cid qudhuu u wada Raray! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulmiye haduu Dhan ka Rari jiray maanta Cid qudhuu u wada Raray!
January 15, 2019 - Written by Reporter:

Ilaa wakhtigii ugu horaysay Jamhuuriyada Somaliland in talada dalka ay qabtaan xisbiga Kulmiye Waxa ay ku dhaqaaqeed oo ku kaceen wax kasoo horjeeda dumuqraadiyada, wax wada lahaanshaha, cadaalada iyo diinta.

Maxaa yeelay Waxay ahayd xukuumadii kulmiye ugu horaysay ee xukunka iyo maamulka jamhuuriyada Somaliland hanataa Xukuumadii ugu horaysay intay Somaliland jirtay ee lagu soo dhiso hab isbahaysi oo baal marsan wax wada lahaanshihii reer Somaliland kusoo caano maaleen, sidoo kale ah wax ka weecsan dhabadii dumuqraadiyadeed ee dalku cagta saaray, sidoo kale waa wax cadaalad daro ah waayo dal dhan oo mujtamac balaadhani wada leeyahay koox yar oo qudhi kasoo muuqataa maamulka waa cadaalad daro, iyana sidoo kale Mar haday dhaar kumaraan in dalka iyo dadka Sinaan, wax wada lahaansho iyo cadaalad ku dhaqayaan kitaabna gacanta ku saareen hadana wax lidi ku ah oo burinaaya dhaartii ku dhaqmaan diintiina seege markaa wadani nimana warkeed daa’.

Hadaba Arimahaa awgeed dadkii Waxa ay ku sifeeyeen xukuumadaa kulmiye mid aan cadaalad lagu yagleelin oo Ratigii dawladnimo si quman loogu yoonbeeyn rarka oo dhinac laga Raray.

Hadaba Kulmiye Waxa ay rarka dheeliyaaya hadba Dacal u soo gundhiyaan Ileen waa wax dhan kararane waatii iyada oo cayn wareegsan doorashadii kale hadana soo noqdeen siday kusoo noqdeen’bee, ee Kursiga iskaga kacay, runtii iyada oo ahayd fursad kulmiye wax kusaxo ayey kaga dhigeen kadar oo dibi dhal, waayo iyada oo ay ka sinaayeeyn Madaxweynaha hada Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynihii kulmiye ee ka horeeyey dhaarta ay mareen ee aan la oofin mudane Muuse Waxa u dheeraa balan qaadyo iyo Beri-maanta dhaanta, se Waxa qaadan waa iyo fajiciso ku noqotay shacab weynihii reer Somaliland sida uu Mudane Muuse Ratigiisa xukuumadeed uu rarka ugu tiisay ee wax wada lahaanshaha, dumuqraadiyada iyo cadaalada baal marsan ee uu ku kacay Isaga oo aan si siman Ummada ugu rarin dhinacna ka rarin se CiD qudha u wada raray oo waliba Ciddiisa uun uwada Raray, Ileen Mar hadii Madaxweyne, Maxkamad, Maaliyada, Milatari, Miidhiyaha, Madaxtooyada, Maareeyayaasha dekada iyo Madaarada, Maqal-hayaasha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha badankood, agaasimayaasha ugu badan, dabdamiska, ku xigeenka booliska, maamulayaasha iyo isku duwayaasha ugu badan iyo qaar kaloo badan oo aan lasoo koobi karin ay isku meel kasoo wada jeedaan miyaanu cid qudha u wada RARNAYN.

Hadaba hadii kulmiye dhan ka rarnaan jiray maanta CiD qudhuu u wada Raranyey oo madaxweynaha cidiisuu u wada Raranyey.

 

Wax wada lahaansho la’aantu

Wadani-nimaday wiiqdaa.

Fuad Fartaag

COMMENTS
LINKS