Badhasaabka G\Togdheer Oo Kormeerkiisii U Horeeyay Ku Tegay Laamaha Amniga iyo Madaarka Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Badhasaabka G\Togdheer Oo Kormeerkiisii U Horeeyay Ku Tegay Laamaha Amniga iyo Madaarka Burco
January 31, 2014 - Written by Editor:

BURCO WAJAALENEWS Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye  ayaa maanta markii u horeysay Kormeer indho indhayn ah ku kala bixiyay Laamaha aminga ee magaaladda Burco si uu u ogaado qaabka ay u shaqeeyaan .
Guddoomiyaha oo ay wehelinayeen Taliyaha booliska gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa Kormeerkoodan ku tegay Saldhigyadda Xaafadaha Koosaar ,Aadan Saleebaan ,Faarax Oomar ,Oktoober ,Maxamed Cali iyo Qaybta booliska Burco .

Badhasaabka Gobolka iyo masuuliyiintan uu horkacaayay ayaa Taliyayaasha Saldhigyan Xaafadahan ka dhagaystay xogo ay kaga warbixinayaan xaaladooda shaqo iyo caqabadaha la soo darsa ,taasi oo ay si faahfaahsan Gudoomiyaha ugu soo bandhigeen.

Waxaanu ku wargaliyay hugaamadda iyo hawlwadeenda Saldhigyadda in ay laban laabaan shaqooyinka ay bulshadda magaaladda u hayaan isla markaana sugida amniga xoojiyaan .

Waxa kale oo uu Badhasaabku ugu baaqay dadweynaha reer Burco in ay gacmaha isqabsadaan oo ay ka fogaadaan waxkasta oo midnimadooda dhaawicikara bulshadana kala fogaynkara..

Sidoo kale Masuuliyiintan uu horkacaayay Badhasaabka gobolka Togdheer ayaa dhinaca kale kormeer ku tegay Madaarka magaalada Burco oo ay mudooyinkii u danbeeyay dayac-tir iskaa wax u qabso ahi ka socday ,kaasi oo ay dhismihiisa gacanta ku hayaan Gudi-madax-banaani oo reer Burco ahi ka dib markii lagu aamini-waayay Wasaaradda Duulista Hawadda oo Lunsatay lacagihii dhismaha Madaarka Caasimadda Hargeysa.

Badhasaabka ayaa kula dardaarmay Gudiga dib u dhiska Garoonka Diyaaradaha Burco in ay dhakhso usoo gabogabiiyaan dhismaha iyo dib u habaynta Madaarka oo gabo-gabo ku dhow .

Geesta kale waa markii u horeysay ee Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Kormeer indho indhayn ah ku sameeyay Laamaha Amniga magaaladda Burco tan iyo markii uu xilka gobolka la wareegay oo laga joogo mudo Wiik ka yar.

Mida kale Ku darsoo Guddoomiyaha ayaa maalmihii u danbeeyay kulamo kala duwan la yeelanaayay qaybaha bulshadda Burco kuwaasi oo dadweynaha lagaga buufinaayay Xanuunka Qabyaaladda oo mudadii Xukuumadda Siilaanyo jidhay gobolka ku soo Guryo-noqotay ,waxaana shirdeceedyadda lagu dardargalinaayay is dhexgalka shicibka iyo walaal-tinimadooda .

Laamaha Dawladda ee gobolka Togdheer oo intooda badani fadhiid-tahay ayaa waxa ugu shaqo badan oo la taaban-karaa kuwa Amniga.

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS