Xaq Daro Cidii Ka Hadashaa, Xeelad Kale Weeyoo, Xamar Baa Ka Dambaysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaq Daro Cidii Ka Hadashaa, Xeelad Kale Weeyoo, Xamar Baa Ka Dambaysa!
January 15, 2019 - Written by Editor:

Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa.

Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa .

Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !!

Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay.

Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka.

Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ?

Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!!

XEELAD KALE WEEYOO

XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!!

Xumaanta kii ka dhiidhiyaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xaqul qalinka kii diidaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xulafada cidii aan aheyni

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xaqa cidii ku adintaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xisaabtan cidii iila timaadaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xog cidii soo heshaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xaqdarada cidii ka hadashaa

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

Xaga loo socda kii isweydiiya

Xeelad kale weeyoo

Xamar baa ka dambaysa !

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS