Kooxda PSG Oo Sheegtay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Rabiot Iyo 4 Kooxood Oo Doonaya Laacibkan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda PSG Oo Sheegtay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Rabiot Iyo 4 Kooxood Oo Doonaya Laacibkan.
January 15, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Paris Saint-Germain ayaa u muuqata mid ugu dambayn iska caabintii ka baxday isla markaana doonaysa inay iibiso xiddiga kooxdeeda ee Adrien Rabiot oo ay mudo isku cakirnaayeen waxayna sheegeen qiimaha lagu iibsan karo laacibkan.

Marka laga yimaado khilaafka ka dhexeeya laacibkan iyo kooxda oo in mudo ah soo jiitamayey ayaa waxa ka sii daran qandaraska uu rabiot kula joogo kooxda ayaa waxaa uu dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkan iyadoo hadii wakhtigaa la gaadhana uu kooxda kaga tagayo six xor ah, waana sababta keentay ama soo dedejinaysa in kooxdu ay iska iibiso si ay lacag uga hesho halkuu si xor ah uga tagi lahaa.

PSG ayaa aqbali doonta dalab ku kacaya 15 Milyan oo xiddigan laga soo gudbiyo, Qorshahan ayaa ah mid kasoo horjeeda qorshaha Veronique Rabiot oo ah wakiilka iyo hooyada xiddigan oo aaminsan in haddii wiilkeedu uu qaab xor ah ku baxo uu heli doono mushahar badan iyo guno  badan.

Rabiot ayaan qayb ka noqon doonin xiddigaha kooxdiisa ee u safraya Qatar isagoo u baaqanaya sababo qoys darteed gaar ahaan caafimaadka aabihii, Marka laga yimaado hakadka xiddigan waxa doonaya kooxaha kala ah Barcelona, Chelsea, Bayern Munich iyo Tottenham.

Tottenham and Chelsea ayaa ahaa labada kooxood ee ugu dambeeyay ee xiddigan dalab ka gudbiya, Spurs ayaan doonayn bixinta mushaharkiisa oo ay aaminsan yihiin inuu qas ka dhex dhalin karo safkooda halka Blues ay u doonayaan bedelka Cesc Fabregas.

Dhinaca kale, Barcelona oo ah kooxda inta ugu badan saxeexa Rabiot doonaysa ayaa la filayaa inay fursadan ka faa’idaysato marka laga yimaado inay caqabad ku noqon karaan xidhiidhyada xun ee PSG kala dhaxeeya.

Rabiot ayaa dhibaatoon doona haddii uu koox ku  biiri waayi gudaha suuqa bishan maadaama oo ay Paris u sheegtay inuu kursiga keydka ku qudhmi doono oo uusan mudo lix bilood ah ciyaari doonin.

Diyaariye:-  Shiine Mataan.

 

 

COMMENTS
LINKS