Real Madrid Iyo Man United Oo Ku Dagaalamaya Xidiga Hazard Iyo Chelsea Oo Sheegtay Lacagta Lagu Iibinayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Iyo Man United Oo Ku Dagaalamaya Xidiga Hazard Iyo Chelsea Oo Sheegtay Lacagta Lagu Iibinayo!
January 15, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Kooxda Manchester United aya dhegta u raarididay war la sheegay inuu kasoo baxay Chelsea, kaas oo ku saabsan xiddiga bartilmaameedka u ah Real Madrid ee Eden Hazard.

Xiddiga reer Belgium ayaa la sheegay in Chelsea ay cayintay lacagta ay ku iibinayso, amaba kooxaha doonayaa ay tahay inay bixiyaan, taas oo markii hore loo arkayey in Real Madrid ay ku keliyaysan doonto doonistiisa, hase yeeshee, waxa kusoo biirtay tartanka Manchester United oo doonaysa inay hesho xiddig beddela Alexis Sanchez oo aan fulinin filashadii naadiga.

Xida ay qoreen warbaahinta Ingiriisku, Manchester United waxay doonaysaa inay meesha ka saarto Alexis Sanchez, booskiisana ay kusoo beddesho Sanchez haddii ay suurtogal noqoto inay kula loollami karto Real Madrid.

“Real Madrid ayaa ah kooxda ugu wanaagsan dunida, mana doonayo inaan been idiin sheego. Waa riyadaydii carruurnimo inaan u ciyaaro.” Sidaas waxa hore u yidhi Eden Hazard, laakiin hadda waxay taasi u muuqataa mid u leexan karta kooxda ay ku hirdamaan horyaalka ee Manchester United oo diyaar la ah inay bixiso £100 milyan oo Gini oo ay Blues ku xidhay heshiiskiisa.

Hazard oo taageere u ah Zinedine Zidane ayaa ogolaan karaya qandaraaska Manchester United haddii uu helo ishaaro muujinaysa noqonayo tababaraha beddeli doona Solskjaer dhamaadka xili ciyaareedka.

Dhinaca kale, Real Madrid oo raadinaysa beddelka Cristiano Ronaldo ayaa dagaalka dhinaceeda kaga jirta, waxaanay laacibkan ku soo jiidanaysaa inay gaadhsiinayso meeqaamka CR7 iyo Lionel Messi, kana caawinayso inuu noqdo xiddig adduun.

Diyaariye:- Shiine Mataan

COMMENTS
LINKS