Dowladda Kenya Oo Soo Bandhigtay Meydadka Qaar ka Mid ah Raggii Weeraray Dusit Hotel. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Kenya Oo Soo Bandhigtay Meydadka Qaar ka Mid ah Raggii Weeraray Dusit Hotel.
January 16, 2019 - Written by Editor:

NARIOBI(W,N)-Howlgal qaatay in ka badan 12 saacadood kaddib waxaa baraha bulshada ka soo muuqday meydadka qaar ka mid ah raggii weeraray Dusit hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ragga meydadkooda la soo bandhigay ayaa ka mid ahaa Afar dagaalyahan oo saacadihii ugu danbeeyay muuqaalkooda lagu soo bandhiga baraha bulshada oo la arkayay iyaga oo dhax socda dhismaha la weeraray.

Ka hor inta aan muuqaaladan meydadka la soo bandhigin madaxweynaha dalka Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in la soo afjaray howlgalka sidoo kalana la dilay dhamaanba raggii weerarka soo qaaday.

Waxaa sidoo kale sawirrada la soo bandhigay ka muuqday Labo o qori AK47 ah  iyo booshash rasaasta lagu ritio, waxaa dableyda hubeysan oo gishnaa dhar madow isku eg iyo madaxa oo calaamad gaduudan uga xirneyd, waxaa ay u muuqdeen kuwo aad u diyaarsanaa, una hubeysnaa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, Afhayeen u hadlay ayaa sheegay in illaa 47 ruux ay ku dileen, weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ayaa lagu soo beegay sanad-guuradii 3aad ee ka soo wareegatay weerarkii Saldhigga Ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, halkaasoo lagu dilay in ka badan boqol askari.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM, waxaa kumanaan askari ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo xuduuda ka soo tallaabay sideed sano ka hor.

COMMENTS
LINKS