Waftigii Dawlada Emaraadka Ka Socday Oo Maanta Si kadis Ah Dalka Uga Dhoofay+Baaqashada Kulankii Xukuumada Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Dawlada Emaraadka Ka Socday Oo Maanta Si kadis Ah Dalka Uga Dhoofay+Baaqashada Kulankii Xukuumada Iyo Sobobta!
January 16, 2019 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N) Waftigii ka socday dawlada earaadka carabka oo mudo afar maalmood ah ku sugnaa somaliland ayaa maanta ka anbabaxay garoonka diyaaraha ee cigaal intertional airport.

Xubnahan waftigan oo ka koobnaa 18 xubnood  oo  iskugu jiray  lataliyaha boqorka emaraadka iyo saraakiil sar sare ayaa mudadii ay somaliland ku sugnaayeen dalka waxay la kulmeen arimo kala duwan kuwaasi oo safarkoodii ka dhigay  natiijo la,aan iyo badi  Arimihii ay somaliland uyimaadeen uun qabsoomin.

Wararka aanu ka helayno waftigan ka socday dawlada emaraadka carabka ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta duhurkii ka baxeen dalka iyaga oo diyaarad khaasa oo ay dalbadeen ay ka raacay  garoonka diyaaraha ee caasimada somaliland.

Sidoo kale Xogaha laga helayso waftigan ayaa tibaaxaya in tii ay joogeen  gobolka saaxil ay kala kulmeen waji gabax  go,doomin kadib markii khilaaf ka dhex qarxay xubno kamida wasiiirada xukuumada somaliland iyo safiirka somaliland ufadhiya emraadka oo isagu aan wax wargalin  ah siinin laamaha dawlada ee uu khuseeyay safarkoodu

Dhanka kale wararka la xidhiiidha socdaalka waftigan ayaa intaa ku daray kadib waji gabaxii ay kala kulmeen arimihii ay usocdeen in ay  diideen casuumad habeenkii xalay ahayd uga timid  dhinaca madaxtooyada oo ujeedadeedu ahayd in xubnahan arimihii ay la kulmeen lagaga bogsiiyo  taasi oo gabi ahaanba sidaa ku baaqatay

Waftigan oo maanta somaliland ka baqoolay ayaa la sheegay in  madaarka caasimada hargaysa lagaga reebay ugaadh ay siteen gaar ahaan shimbirka galaydhka oo ay kasoo qaateen gobolka saaxil iyo kuwo ay hore u wateenba

Sikastaba ha ahaatee natiijo la,aanta ay ku anbabaxeen waftigii ka socday dalka Emaraadka Carabka iyo dhacdooyinkii ay kala kulmeen somaliland ayaa laga cabsi qabaa in ay dhaawac wayn gaadhsiiso xidhiidhk ka dhexeeyay somaliland dawlada emaraadka carabka iyadoo waajihi doonta jawi kala fogaansho ah halka wax kasta oo arinta sobobayna ay masuuliyadeedu saarnaan doonta safiirka socod baradka ah ee dhawaan madaxwayne Muuse biixi umagacaabay Emaraadka Carabta .

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS