Wakiilka Somaliland U Fadhiya Kenya oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Huteel Ku Yaalla Nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakiilka Somaliland U Fadhiya Kenya oo Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Huteel Ku Yaalla Nairobi
January 16, 2019 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka hadley weerarkii argagixisada ahaa ee kooxda Al-shabaab ku qaaday mid ka mid ah heteelada ku yaalada magaalada Nairobi.

Sidoo kale Ambasador Baashe Cawil ayaa cambaareeyey weerarkaasi shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka  intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen.

Siduu maanta  daabacay  Wargeyska The Staree ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar,  ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya.

Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray  inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid  fulaynimo oo  argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi.

 

WAJAAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS