Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka oo Albaabada U Laabay Xarunta Dawlada Hoose Ee Hargeysa iyo Baadhis Ay Ka Bilaabeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti Dhawrka Guud Ee Qaranka oo Albaabada U Laabay Xarunta Dawlada Hoose Ee Hargeysa iyo Baadhis Ay Ka Bilaabeen
January 16, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Saraakiil ka socda Hanti dhawrka guud ee qaranka Somaliland ayaa galabta baadhis ka bilaabay xarunta dawlada hoose ee Hargeysa.

Sidoo kale Hanti Dhawrka guud ee qaranka ayaa waxa kale oo ay albaabada u laabeen badi dhamaan xafiisyada dakhli ururinta iyo xafiisyadii kale ee ay ka hawl gali jireen masuuliyiinta dowlada hoose oo ay ku jiraan Xafiiskii Maayarka, Ku xigeenka iyo Xoghayaha.

Arintan ayaa daba socota kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay maasuuliyiinta dowlada hoose, Hanti dhawraha guud oo warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay in uu baadhis buuxda laga bilaabay xarunta dawlada hoose ee Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS